Haqabtirenews.com
Danilo Mise Carvajal, Varane Mise Pepe ? Jamaahiirta Real Madrid Oo Soo Doortay Shaxdii Ay Jeclaan Lahaayeen Inuu Zidane Kusoo Bilaabo Kulanka El Classico
March 28, 2016 - Written by admin
">

Taageerayaasha Real Madrid ayaa soo doortay shaxdii ay jeclaan lahaayeen iney kala hortagaan kooxda Barcelona kulanka adag ee E Classico ee la wada sugayo ee sabtiga dhexmari doona labada koox kanan dhici doona garoonka Camp Nou.

Jamaahiirta ayaa sheegay iney doonayaan in lagu soo bilaabo kooxda ugu fiican ee diyaarka u noqon karta kulankaan iyagoo aan dooneyn iney shaxda kooxda ku soo bilowdaaan James iyo Isco sidoo kalena taageerayaasha ayaa sheegay ineysan dooneyn in cidna aan loo keydsan kulanka Champions league ee Wolfsburg.

Barcelona ayaa la rajeynayaa iney kulankaan ku soo gasho shax ciyaareedkooda caadiga ah ee ee kala ah:Bravo; Alves, Piqué, Mascherano, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Messi, Suárez iyo Neymar inkastoo ay jamaahiirta kooxda Barca doonayaan in Messi in loo nasiyo kulanka Champions league ee ay todobaad dhamaadkaan la leeyihiin kooxda Atletico.

Dhanka kale taageerayaasha Madrid ayaa jecel iney arkaan Dani Carvajal (iyadoo ay 20,000 oo qof ay doorteen ) mana doonayaan Danilo (Kaliya 3,000 ayaa dooratay), Varane ayeey ka doorbidayaan Pepe (wuxuu ku dhaafay Pepe in ka badan 2,000 oo cod) sidoo kale Casemiro ayeey doonayaan inuu ku soo bilowdo khadka dhexe lalana mataaneysiiyo Kroos iyo Modric halka ay kursiga ka doonayaan James iyo Isco afka horena dabcan waa BBC

Madrid

Shaxda jamaahiirta Los Blancos ayaa ah :Keylor; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric; Bale, Benzema iyo Cristiano Ronaldo. Waxaana soo xulasha shaxdaan aana wax gorgortan ah galin xidigaha kala ah Keylor, Modric, Marcelo iyo Benzema, waxaana xiiso yar loo muujiyay Lucas Vázquez iyo Jesé.

COMMENTS
Latest News