Haqabtirenews.com
Daawo Tiro Dad Ah Oo Ku Dhintay Weerar Ismiidaamin Ah Oo Xalay Lagu Qaaday Magaalada Lahore Pakistan.
March 28, 2016 - Written by admin
">

Lahore-(Haqabtire-News)-Weerarka oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa waxa uu Xalay ka dhacay Magaalada Lahore ee dalka Pakistan.

Qaraxaasi ayaa waxaa fuliyay Nin xirnaa Suunka Qarxa, waxaana ujeedka Qaraxaasi lagu sheegay in uu ahaa Beerta Gulshan-e-Iqbal oo ay ku sugnaayeen boqolaal ruux oo ay ku jiraan Dad Karishtaan ah.

Dhimashada ayaa hada mareysa ilaa 69 ruux, halka dhaawacana uu yahay mid faraha kabadan.

Saraakiisha amaanka waxa ay sheegen in dadka qaar uu soo gaaray dhaawac aad u culus, islamarkaana la dhigay isbitaalada.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegtay in dhammaan dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay weerarkaasi ay u badan yihiin carruur iyo haween.

Sidoo kale, xaalad deg deg ah, ayaa lagu soo rogay goobaha caafimaadka ee Magaalada Lahore, waxayna dadku dalbanayaan in gurmad ballaaran lala soo gaaro dadkii wax ku noqday weerarkaasi.

Jam Sajjad Xuseen oo Afhayeen u ah Gaadiidka gurmad deg dega ayaa Wakaalada Wararka ee Reuters waxuu sheegay in Qaraxaasi uu ahaa mid xoogan, isagoona xusay in halkaasi ay ka soo badbaadiyeen ku dhawaad 112 Ruux.

Kooxda Taalibaan ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Bariga Magaalada Lahore ee Dalka Paksitaan.

pik1pik2pik3pik5pik6pik7pik8pik9pik10pik11

COMMENTS
Latest News