Haqabtirenews.com
Tababare Antonio Conte Oo Badbaadin Kara Mustaqbalka John Terry Ee Kooxda Chelsea.
March 27, 2016 - Written by admin
">

Antonio Conte ayaa John Terry ka caawin doona inuu qandaraas cusub ka helo Chelsea sida ay qortay jariirada Sunday People.

Tababaraha Talyaaniga ee imaanaya Chelsea ayaa saameyn weyn ku yeelan doona haddii 35 jirkaan uu sii joogayo Stamford Bridge iyo haddii kale.

Conte Conte ayaan imaan doonin shaqadiisa cusub ilaa iyo ka dib marka uu soo dhameysto howshiisa xulka Talyaaniga ee ka qeybgalaya Euro 2016 oo seddex bilood ay ka harsan tahay.

Watford-v-Chelsea-Premier-League

Laakiin waxa durbaba la weydiiyay xiddigaha diirada u saaran iyo liiska xiddigaha uu ceshanayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qorshaha ugu jira ayaa waxaa ka mid ah inuu xaliyo xaalada kabtankii hore ee xulka England.

Chelsea ayaa ku adkeysanaysa in albaabada aysan ka xirneyn Terry ka dib markii uu bishii hore sheegay inaan weli loo soo bandhigin qandaraas cusub.

Tababaraha Talyaaniga ayaase jecel qaab ciyaareed seddex daafac dhexe ah taas ayaana caawin karta daafaca halyeeyga ah.

COMMENTS
Latest News