Haqabtirenews.com
Taageerihii Sameeyay Boorkii Ka Dhanka Ahaa Arsene Wenger Oo Sharad Laga Helay Darteed Isku Shabadeyn Doona Magaca Tababaraha Arsenal.
March 27, 2016 - Written by admin
">

Taageerihii sameeyay boorkii caanka noqday ee looga soo horjeeda Arsene Wenger ee ahaa “Arsene waad ku mahadsan tahay xusuusta aan na siiyay laakiin waxaa la joogaa waqtigii aan is macsalaameyn laheyn” ayaa haatan ku qasban inuu jirkiisa ku shabadeeyo magaca Arsene Wenger ka dib markii sharad uu galay laga helay.

Taageerahaan oo bogiisa Twitter la yiraahdo @DeejayDt ayaa sharad ku galay inuu magaca Arsene Wenger isku shabadeyn doono haddii weeraryahanka Leicester Jamie Vardy uu gool ka dhaliyo xulka Jarmalka, Vardy ayaana shabaqa ka soo taabtay Manuel Neuer xalayto.

vardy

Goolal ka kala yimid Harry Kane, Eric Dier iyo Vardy ayaa la mico ahaa in Three Lions ay 3-2 kaga badiyeen xalayto xulka Jarmalka oo labo gool la hormartay.

Taageerahaan Arsenal ayaana ilaawi doonin muddo badan guushaan ay gaareen xulka Roy Hodgson.

Waa fariimahaan wixii uu ku soo qoray Twitter markii Vardy uu bedelay weeraryahanka Arsenal Danny Welbeck daqiiqadii 71aad…

COMMENTS
Latest News