Haqabtirenews.com
Daawo Sawirrada Qaar Ka Mid Ah Muhaajiriinta Ku Qul-qulaya Dalalka Reer Yurub Oo Bilaabay Farsamo La Yaab Leh Oo Ay Ku Galayaan Dalalkaas!
March 27, 2016 - Written by admin
">

Dadka Muhaajiriinta ah ee doonaya in ay galaan wadamada Yurub ayaa bilaabay kaartooyin cusub ay ku doonayaan in ay ku galaan qaar kamid ah Wadamada Yurub , si ay halkaasi uga helaan nolol dhaanta mida ay dalalkooda ku heesteen.

Muqalasiinta dadka tahriibiya ee kunool dalka Maroko ayaa bilaabay farsamooyin layaab leh ay ku doonayaan in dadka muhaajiriinta ah ku galiyaan dalka Spain, waxa ayna dadkaasi ku qariyaan qeybo kamid ah gaariga ay wataan.

Ciidamada Spain ayaa maalmo kahor xadka Moroko iyo Spain waxa ay ku qabteen gaari lagu soo qariyay nin Tahriibe ah, ninkan ayaa lasoo galiyay gaariga qeybta Kiristaalaha halkaas oo la jiifiyay kadibna lagu qariyay.

Waxaa horey Ciidamada Spain sidan oo kale u fashiliyeen una qabteen dad Tahriibayaal ah oo sidan oo kale qeybo aan la arki karin oo gaariga kamid ah loogu soo qariyay iyo dad kale oo iyana boorsooyin lagu xiray.

isba_1isba_2isba_3

COMMENTS
Latest News