Haqabtirenews.com
“AQOON YAHAN KA REER SOMALILAND DHIBKA AYAY QAYB KA YIHIIN EE XALKA QAYB KAMA AHA”
March 27, 2016 - Written by admin
">

Labaatan iyo shan gu’ oo Somaliland ku-naaloonaysay nabad,dumuqraaddiyad iyo madax-bannaani buuxda wali may dhicin in unug in-dheer garadka ummadda

 ka mid ahi wax ay iska weydiiyaan siyaasad ahaan jihada dalkan u socdo. Is-beddellada dhaqan-dhaqaale ee bulsho may ahayn qaar la lafo-guro,xataa haddii ay saamayn weyn ku leeyihiin nolosha. Duruufihii kakanaa ee dalku soo maray waayaha ayaa jaan-goonayay ama xalliyay kaalin se kuma lahayn aqoon yahanku. Tiro aad iyo aad u yar oo oday-dhaqameedyo ah iyo midhadh siyaasiyiin waddaniyiin ah ayuu RABBI in badan sababtoodu ku caymiyay qaranka.
Muddadaa rubuc qarniga ah may unkamin Dhaqdhaqaaqyo aqoon yahanno ah oo waddaniyadi ku dheehan tahay oo ku bahoobay aragti fogaan-aragnimo bud-dhig u tahay, isla-markaa mabaadii u saaxiib ah oo leh yool iyo bar-tilmaameedyo dhayda ka cad. Aqoon yahan reer Somaliland ee dal iyo dibad ba joogay iyo siyaasiyiintii hoggaanka dalka soo maray kama wada xaajoon “Aayo ka tashiga dalkooda,” waxa aad mooddaa in darbi xaddiid ahi dhex qotomay. In badan ayay bahda aqoontu ururada siyaasadda,kuwa reeraha iyo urur-diimeedyada la kala safnaayeen.
Mawduucyada ugu xaas-saasanaa ee wax-aqoolka iyo indheer-garadka reer Somaliland wakhtigooda ugu badan ku lumiyeen waxa ay ahaayeen;
1.Lafa gurka dhacdooyinka Siyaasadeed ee maalinle’ ha ah.Kuwaas oo lagu geeyo muraayadda juhaalada.
2.Fallanqaynta qabyaaladda iyo qabiillada.
3.Iyo ka sheekaynta nolosha shakhsiyaad caan baxay, lacag leh ama siyaasiyiin ah.
Isku soo wada xoori oo fadhi-ku-dirrir iyo dood ma-dhallayska ah ayay xaajada wax-aqoolka reer Somaliland ku barriiqatay.
Hal-abuurka oo RABBI hibo luul ah ku galladay iyaga laftoodu Suugaan sidaa u luxdan mug leh oo hogo-tusaalayn ah ku ma darsan siyaasaddii dalka lagu hagayay.
Kaalinta ugu yar ee aqoon yahan ku ciyaari karayeen waxa ay ahayd wacyi galin ummadda loo mariyo warbaahinta noocyadeeda kala duwan, taas oo kobcin lahayd Garaadka iyo garashada ummadda. Dhaxal ummaddeed oo qoraal cilmi-baadhiseed oo laga dheefsado kama tagin. Horumarinta afka Soomaaliga tacab badan kuma darsan. Cudur daarka kaliya ee aynu u samayn karnaa waa; in ay ku foognaayeen “Dano gaar ah,” waxa innagu yaraaday aqoon yahan hammi ummaddeed xambaara oo tiisa gaar ka horreysiiya danta guud iyo tisqaadka ummadda.
Waxa aan weynay aqoon yahanno dhacdooyinka taariikheed innoo fasira oo cilmi ku fadhiisayay sharrax waafi ah na saaray dhacdooyinka is sharxa, isku xidhan ama is-saameeya.Aalaaba aqoon yahanka reer Somaliland waxa xooggooda ka faa’iidaysta dalalka hore u maray sida Maraykan iyo Yurub, way u adkaysan kari waayeen oo ku dhac iyo dhabar adayg badan bay uga baahatay in ay dalkooda mushahar yar kaga shaqeeyaan oo ummaddooda wax gashadaan, una adkaystaan duruufaha adag ee dalka ka jira nooc kasta oo ay yihiin ba, midhkaas markii ay yeeli weeyaan waxa ay yeeleen in ay ay dalka yimaaddaan marka ay hawl-gab noqdaan ee xooggooda iyo maskaxdooda ay dalal kale soo dhammaystaan.Sidaas oo ay tahay dalka haddii ay u nasasho yimaaddaan waxba may ahaateen e iyagoo hawl-gab ah ayay damcaan in ay qabtaan jagooyinka dalka ugu sarsarreeya…. La soco…

– See more at: http://karinnews.com/articles/291/AQOON-YAHAN-KA-REER-SOMALILAND-DHIBKA-AYAY-QAYB-KA-YIHIIN-EE-XALKA-QAYB-KAMA-AHA#sthash.3nx8yJZZ.dpuf

COMMENTS
Latest News