Haqabtirenews.com
War U Xun Brazil Una Fiican Barcelona Ka Hor Kulanka El-Clasico-da, Neymar Junior Oo Aan Ciyaari Doonin Kulanka Adag Ee Ay Brazil La Ciyaari Doonto Paraguay, Maxay Sababtu Tahay?
March 26, 2016 - Written by admin
">

Kooxda Barcelona ayaa heshay war ay ku faraxdo isla markaana ka yareeyay walwalkii ay ka qabtay dhaawac Neymar ku soo gaadha waajibaadka xulka qarankiisa Brazil, laakiin xulka qaranka Brazil ayaa helay war xun kadib markii Neymar kulankii Uruguay loo taagay kaadhkiisii labaad ee digniinta ahaa taas oo sabab u noqotay in Neymar uu seegi doono kulanka ay Brazil la ciyaari doonto xulka qaranka Paraguay.

Neymar ayaa seegi doona kulanka uu xulka qarankiisa Brazil talaadada la ciyaari doono Paraguay, wuxuuna heli doonaa todobaad uu fasax ka yahay waajibaadka xulka qarankiisa Brazil iyo kooxdiisa Barcelona ka hor kulanka El-Clasico-da ee 2-da April ka dhici doona Camp Nou.Barcelona ayaa ka walwalsanayd xanuun Neymar ka soo wajahay muruqa intii lagu jiray tababarka Brazil balse waxa uu qayb ka ahaa kulankii ay Brazil iyo Uruguay barbaraha 2:2 da ah galeen.NeymarNeymar-7-620x386

 

Intii lagu jiray kulankii Brazil iyo Uruguay, Neymar ayay isku dhaceen xidiga ree Uruguay ee Fucile kaas oo marar badan qaladaad ku galayay xidiga ree Brazil balse daqiiqadii 63 aad  oo uu Neymar takal ku galay Gonzalez ayaa kaadhka digniinta ah loo taagay, balse waxa uu ka cadhooday in ay cadaalad daro ahayd in kaadhka lagu siiyay waxaan u muuqan qalad halis ah halka uu Fucile uu isaga qaladaad badan ku galay.Laakiin Luis Suarez ayaa xaalada qaboojiyay oo labada xidig soo kala dhex galay.Suarez and Neymar

 

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Dunga ayaa difaacay Neymar oo uu sheegay in garsoorayaashu ay isaga markasta ciqaabaan wuxuuna yidhi: “Waxa cadaalada noqon lahaa waxay ahayd haddii qaladaadka Neymar lagu galayo iyagana la ciqaabayo. Aniga aragtidayda, qaladkii uu Neymar galay muu ahayn mid halis ahaa, laakiin Neymar waa la caadaystay, waxayna xaqiiqdu tahay in garsoorayaashu ay si aad u xun ula dhaqmaan”.

COMMENTS
Latest News