Haqabtirenews.com
Super Suarez Oo Dhibic U Soo Dhiciyay Uruguay Kulankii Brazil Ee Saaka Ee Isreebreebka Koobka Adduunka.
March 26, 2016 - Written by admin
">

Luis Suarez ayaa ugu dabaaldegay ku soo laabashadiisa xulka Uruguay ee tartamada caalamiga isagoo barbaro u keenay xulkiisa kulankii ay saaka barbaraha 2-2 ku qabteen xulka Brazil ee isreebreebka Koobka Adduunka.

Ciyaartoy dhowr ah oo muhim u ahaa ayaa ka maqnaa xulka Uruguay oo uu ka mid yahay Diego Godin, xulka martida loo ahaa ee Brazil ayaana ku hormaray goolasha markii Douglas Costa uu shabaqa ku taabtay kubad karoos ah uu soo dhigay Willian daqiiqadii koowaad ee ciyaarta.

2909212_heroa

Waxaana Brazil u labeeyay Renato Augusto kaasoo ka faa’ideysatay qalad difaac oo ay Uruguay sameysay, laakiin intii aan la gaarin waqtiga nasashada Edinson Cavani ayaa kubad qurxoon gool ugu soo celiyay xulka Uruguay.

Luis Suarez ayaana dhameystirtay soo laabashada xulka Uruguay markii uu bilowgii qeybta labaad dhaliyay goolka barbaraha isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah ka dib markii uu baas fiican ka helay Periera.

Uruguay ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala sareynta isreebreebka Koobka Adduunka ee 2018 iyagoo leh 10 dhibcood ka dib shan kulan oo ay ciyaareen waxaana ay seddex dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Ecuador. Waxaase ay labo dhibcood ka sareeyaan xulka kaalinta 3aad ee Brazil kuwaasoo 8 dhibcood leh waxaana ay dhicaha la wadagaan Paraguay iyo Argentina.

 

COMMENTS
Latest News