Haqabtirenews.com
Marc Andre Ter Stegen Oo Digniin U Diray Barcelona: Haddii Aysan Waxba Isbedelin, Waxaa Qasab Noqoneysa Inaan Wadahadalno.
March 26, 2016 - Written by admin
">

Goolhaye Marc André Ter Stegen ayaa si furan digniin u bixiyay isagoo aan ku faraxsaneyn kursiga keydka ee uu kaga jiro kooxda Barcelona. Inkastoo uu ciyaaro Copa del Rey iyo Champions League, waxa uu sidoo kale doonayaa inuu ciyaaro kulamada horyaalka.

Iyadoo uu dhawaan shir ja14589334956926-620x393
raa’id uu qabtay uu ka fogaaday inuu ku xaqiijiyo inuu weydiisan doono inuu baxo haddii aysan waxba isbedelin, hadana waxa uu ka faa’ideystay waqtigiisa uu la joogo xulka Jarnalka isagoo u waramay suxufiyiinta Jarmalka ah.

 

“Waxaan doonayaa inaan qaado talaabada xigta islamarkaana aan ciyaaro kulamo badan sababtoo ah xaalada waa ay cadahay: haddii aysan waxba isbedelin, waxaa qasab nagu noqon doonta inaan wadahadalno.” ayuu yiri Ter Stegen.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: Dhamaadka xilli ciyaareedka waxaan ciyaari doonaa ku dhawaad 25 kulan. Ma ahan tiro yar laakiin marka aan ka laabto xulka waxaan fariisan doonaa kursiga keydka kulanka El Clasico ee Real Madrid. Mudada dheer markaan ka fekero 25 kulan iguma filna.”

COMMENTS
Latest News