Haqabtirenews.com
Kingsley Coman Iyo Delli Alli Oo ku Jira Shaxda Da’yarta Ugu Fiican Ee Ciyaareysa Euro 2016 Laakin Ayaa Ugu Jira Wadanka Aad Taageeri Doonto Xagaagan ?
March 26, 2016 - Written by admin
">

Waxaa xagaagan ka bilaaban doona dalka France tartanka qaramada qaarada yurub ee UEFA Euro 2016 kaasoo ay haatan inaga xigaan bilaabashadiisa kaliya maalmo dhowr ah, hadaba wax ka baro 11 ka xidig ee da’yarta ah ee ugu fiican ee kasoo muuqan kara France xagaagan.

Goolhaye:

Da’yarka England ee Jack Butland ayaa loo gacan galiyay inuu noqdo agacanta aaminka ah ee xulkiisa inkastoo uu tartan kala kulmaya goolhayeyaal ka waa weyn hadana wuxuu xidiga Stoke City cadeeyay inuu yahay ninka sida dhabta ah ula tartamaya Joe Hart, caawa ayuuna fursad u heystaa inuu ismuujiyo

Daafaca

Daafaca Nidig:Ninka kooxda Napoli u qaabilsan midigta ee Elseid Hysaj ayaana wax gorgortan ah ka gali doonin booskiisa isagoo matali doona xulka Albania.

Daafaca Dhexe:Jedvaj, daafcaan ayaa hore u ahaa daafac midig laakin wuxuu haatan awoodiisa kula muujinayaa kooxda Bayer Leverkusen iyadoo uu maclain Roger Schmidt uu ka dhigta dookhiisa koowaad ee daafada dhexe, waxaana la mataanoobaya daafaca Roma iyo xulka Germany ee Antonio Rüdiger.

Daafaca Bidix: Wey sahlan tahay in dookha booskaa loo magacaabo ninka ree Switzerland ee Ricardo Rodríguez oo u ciyaara Wolfsburg maadaama uu Luke Shaw seegayo tartankaan halka David Alaba inkastoo uu 23 sano jir yahay loo xisaabinayo nin weyn maadaama da’diisa iyoi awoodiisa ad u kala dheer yihiin.

Khadka Dhexe:

Layaab ma aha in xidiga Portugal ee Renato Sanches oo ka tirsan kooxda Benfica, da’yarka Belgium ka ee Tielmans (Anderlecht) ay noiqdaanlabadan kubad haye ama burburiye waxayna caawinaad buuxda ka heli doonaan Tgarabka Bayern Munich ee Kingsley Coman, kubad sameeyaha England ee Dele Alli iyo garabka xulka Czech ee David Krejci kaasoo wacadaro ku soo bandho=igaya kooxdiisa Sparta Prague.

Weerarka:

Arkadiusz Milik (Ajax) waa ninka ugu halista badna inta aan kor ku soo xusnay wuxuuna la midoobi doonaa mid kamida weeraryahanada aduunka ugu fiican xiligaan marka ay uu garab istaago Robert Lewandowski oo ay kawada tirsan yihiin xulka Poland.BEst-young-IX-euros-474x300

COMMENTS
Latest News