Haqabtirenews.com
Isreebreebka Koobka AFCON 2017: Xulka Algeria Oo TODOBA GOOL Ku Xasuuqday Xulka Ethiopia.
March 26, 2016 - Written by admin
">

Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2017 ayaa socda iyadoo natiijooyin cajiib ah ay ka soo baxeen kulamadii la ciyaaray isbuucaan, halka xulka jasiiradaha Comoros ay gaareen guushoodii ugu horeysay ee tartan caalami ah iyagoo ka badiyay xulka Botswana.

Dhanka kale xulka Itoobiya ayaa waxaa soo gaartay guuldarro aad u culus kulankii isreebreebka Qaramada Afrika ee ay la ciyaareen xulka Aljeeriya kuwaasoo wada badiyay seddexdii kulan ee ay ciyaareen J iyagoo group-ka ku hogaaminaya 7 dhibcood.

Aljeeriya ayaa 7-1 ku xasuuqday xulka geeska Afrika ka dhisan ee Itoobiya, Sofiane Feghouli iyo Islam Slamini ayaa min labo gool ka dhaliyay, halka ay sidoo kale shabaqa soo taabteen Yacine Brahimi, Saphir Taider iyo Abdelkader Ghezzal.

bzw9

 

Guuldaradaan ayaa ka dhigeysa in Itoobiya ay ku jirto kaalinta 2aad ee Group J iyagoo leh afar dhibcood seddex kulan oo ay ciyaareen, waxaana group-ka kula wehliya Lesotho iyo Seychelles

Halkaan laacibtv.net ka daawo goolasha Ay Algeria kaga badisay xulka Ethiopia RIIX HALKAAN

Group A ayaa waxaa isku heysta xulalka Liberia, Togo iyo Tunisia ka dib markii la ciyaaray seddex kulan kulamada isreebreebka, waxaana ay dhamaantood leeyihiin mid lix dhibcood, xulka Liberia waxa ay isbuucaan 1-0 kaga badiyeen xulka Jabuuti halka Tunisa ay iyadana 1-0 kaga badisay xulka Togo, xulka Jabuuti ayaana ugu hooseysa group-ka iyagoo aan wax dhibic ah laheyn ka dib markii laga badiyay seddexdii kulan ee ay ciyaareen.

COMMENTS
Latest News