Haqabtirenews.com
Deg-Deg Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Raali Galin Ka Bixiyey Hadalkii Uu Jamaal Cali Xuseen Ku Weeraray Muuse Biixi Iyo Ganacsade Ina Aw Siciid Halkan Kaga Boggo.
March 26, 2016 - Written by admin
">

Deg-Deg Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Raali Galin Ka Bixiyey Hadalkii Uu Jamaal Cali Xuseen Ku Weeraray Muuse Biixi Iyo Ganacsade Ina Aw Siciid Halkan Kaga Boggo.

U Jeedo Go,aan Gudi Fulineed Oo Ku Saabsan Raali Galin

Xisbiga cadaalada iyo Daryeelka ee UCID waxaa uu halkan ka cadeynayaa in hadalkii Jamaal Cali Xussen kaga hadlaayey ganacsadaha rer Jabuuti iyo masuulyiinta kale ee uu eeda u soo jeediyey waxaa ay ku kooban tahay aragtida Jamaal ee xisbigu lama qabo anaga oo ixtiraameyna fikirka iyo xoriyada shaqasi ahaaneed .

waxaanu raali buuxda siineynaa dhamaan taageerayaasha xisbiga UCID kana raali galineynaa hadalkii ahaa in xisbiga cid kale ay burburineyso xisbiga UCID waxaa weeye xisbiga ugu da,da weyn xisbiyada qarankan isla markaana ugu khibrada badan sidaas darteed cidna ma burburin karto waana meel ka dhac in lagu tilmaamo mid shaqasiyaad ku takri falaan .

waxaa kale ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID raali galin buuxda ka bixinayaa cid kasta oo dhibsatey hadalkii Jamaal maadaama oo aanu ixtiraam u heyno ganacsatada rer Somaliland iyo dhamaan madaxda xisbiyada Qaranka iyo masuulyiintooda.

Allaa Mahad Leh.

IMG_458264-6EE7D7-B63042-5DA3EF-F28E37-8A7226

COMMENTS
Latest News