Haqabtirenews.com
AKHRISO Qodobbo Muhiim Ah Oo Laga Soo Saaray Cilmi-baadhis Socotay In Ka Badan 75 Sanno.
March 26, 2016 - Written by admin
">

Khubaro cilmi-nafsiga iyo xannuunada maskaxda ku takhasusay oo ka tirsan Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka, ayaa  cilmi-baadhis ay sameeyeen ku sheegay in  qofka oo caan noqda iyo guuluhu aanay dadka u keenin caafimaad iyo farxad midna, balse xidhiidh wanaaga iyo caafimaad-qabtu yihiin waxyaabaha qofka u horseeda degenaanshaha iyo farxadda nolosha.

Khabiir magaciisa la yidhaah Robert Waldinger oo ka mid ah kooxda diyaarisay cilmi-baadhista, ayaa sheegay in daraasad laga qaaday dadweyne amma jiilal kala duwan oo la bilaabay sannadkii 1930-kii lagu oggaaday arrimo muhiim ah oo hormood ka ah farxadda iyo caafimaadka, isagoo tilmaamay in muddadaas laba kooxood oo rag ah lagu daba jiray, kuwaasoo ka mid ahaa ardayda wax ka barta Jaamacadda Harvard ee waddanka Maraykanka.

Sida lagu baahiyey New York Times oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, dadka cilmi-baadhistan qayb ka ahaa waxa ku jiray Madaxweyne John F. Kennedy  iyo wiilal dhallinyaro ah oo la noola qoysaskooda oo sabool ah, kuna dhaqnaa duleedka magaalada Boston ee dalka Maraykanka, kuwaas la mariyey kombuyuutar maskaxda ah (Brain scan), warraysiyo laga warraysanayey nolosha qoyskooda iyo baadhitaan caafimaad.

Harvard-university

Cilmi-baadhistan oo socotay muddo ka badan 75 sanno, waxa laga soo saaray waxyaabo maxsuul ah oo farxadda iyo caafimaadka hormood ka ah, kuwaasoo qodobbada ugu waaweyn ay yihiin;

1.   Dadka bulshada ku xidhan waa kuwo farxad badan, jidh ahaanna caafimaad qaba, cimrigooduna dheeraado.

2.   Tayada iyo tirada, marka ay timaad xidhiidhada qofku leeyahay, waxa caafimaadka muhiim u ah in qofku xidhiidhka uu dadka la leeyahay ku qanacsan yahay.

3.   Guurka khilaafku ku badan yahay waxa uu ku dambeeya furriin xun oo cafimaad-darro lammaanaha ku keena, halka xidhiidhka wanaagsan aan macnahiisu ahayn in labada qof kala tegi karaan, balse aaminaada, isku kalsoonida iyo ixtiraamku waa farxadda iyo caafimaadka wanaagsan ee lammaanaha is qaba.

4.   Kalinimada amma in qofku goonni-socod noqdo way dishaa. In qofku dareemo goonni amma kalinimo waa mid sun ah, sababtoo ah dadka goonni-socodka ah amma dadka ka fogaada waa kuwo aan faraxsanayn, caafimaadkooduna aannu sii wanaagsanaan, habka maskaxdoodu u shaqayso hoos-u-dhac baa ku yimaad, aakhirkana xannuuno ku dhaca aawadeed buu cimrigoodu u soo gaabtaa (waa haddii Ilaahay (SWT) uu sidaas qadaro).

COMMENTS
Latest News