Haqabtirenews.com
Juventus Oo Sadex Xidig Oo Muhiim Ah Ka Dooneysa Kooxda Chelsea (Xidigii Chelsea Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkaan Ayaa Ku Jira)
March 25, 2016 - Written by admin
">

Kooxda Juventus ayaa dooneysa iney sare u qaado hamigeeda ku guuleysiga Champions league ee xili ciyaareedka danbe waxaana jira kooxo badna oo qaarada urub ah oo xidigo kooxdaasi kamid ah oo qaab ciyaareedyo cajiib ah soo bandhigayay xili ciyaareedkaan iney qaataan.

Juve ayaa dhigeeda suuqa ugu jirta sidii ay u heli laheyd xidiga dhaxalgal u noqon kara hamigooda iyagoo maanka ku haya dhibtii qabsatay kulankii Bayern markaasoo ay ku dhibtootay kooxda iney badal u hesho xidgeeda Cluadio Marchiso oo dhaawac ku seeegay kulankiaas.

Juve ayaa ka dooneysa kooxda Chelsea sadexda xidig ee kala ah Eden Hazard, Willian iyo Oscar oo ay doonayaan iney ku adkeeyaan khadkooda dhexe iyo weerarkooda xili ciyaareedka danbe, waxaana warkaan uu soo baxayaa markii la sheegay in Blues ay ka dooneysa marwada da’da ah xidigaha kala ah Juan Cuadrado oo laga leeyahay Stamford Bridge, Leonardo Bonucci iyo Simeone Zaza.

Hazard

The Old Lady ama La Vecchia Singora kooxda lagu naaneeso ayaa u aragta sadexda xidig ee Blues kuwo kooxdeeda kusoo kordhin kara awood hal abuur oo ay in badan u baahdeen intii ay xili ciyaareedkaan ku guda jireen tartanka Champions league.

COMMENTS
Latest News