Haqabtirenews.com
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Cirro Oo Munaasibad Casho Sharaf Ah U Sameeyey Ardayda Reer Somaliland Ee Ka Qalin Jabiyey Jaamacada Dalka Uganda+SAWIRO.
March 25, 2016 - Written by admin
">

Guddomiyaha ayaa habeenki xalay ahaa waxa uu kulan balaadhan la qaatay ardayda reer somaliland oo u kulan casho ah ugu sameyey hotelka wayn crown,iyado ay goobta ku sugnayeen lix arday oo somalialder ah ka qalin jabiyey jamacadaha kala duwan ee uganda,kulan kan oo guddoomiyaha ay ardaydii suaalo toos ah ku waydiyeen madashi taas oo uu mid mid uga jawaabay suaalaha oo dhinacyo badan taabanayey.

Guddomiyaha marki ay suaalihi la weydinayen dhamaaden ayaa waxa uga xaal waramay ardayda xalada dalka ku sugan yahay iyadoo hadalkiisi ku bilaabay waxaan marka hore idinku hanbalyeynaya guusha aad gaadhen waxa kale oo aan idin dardaaraya midnimo inaad isku duubnaatan intiina halkan joogta waxa kale hadalada guddomiyaha kamid ahaa ardayda iyo jaliyada aanu maanta ula hadlaya sidii hogaamiye mucaarid ah maanta dhamaan saddexda xisbi ka wakiil yahay oday somaliland idinla joogan aan ahay, waxa micnaana aanay u lahayn inay wadani tageeran lkn ay mihiim tahay inay somaliand ku midaysnadaan ee aanay xisbiyo ku midaysnaan kala faquuq aanu ku iman dhexdooda somaliland nimada adkeeyan .

Dhanka kale waxaa ardaydii madasha joogtay ku dhiiriyey inay siyaasad galan ka xisbi ahaana aanu soo dhaweynayno oo ay hadaba xilaal badan dhalintu ka hayso xisbiga wadani sido kalana xisyabayada kalan soo dhawyn doonan waa kulmiye iyo ucid .

Dhanka kale waxa guddomiyuhu ka dhawaajiyey inay dalki abaar xuni ka jirto siiba galbeedka somaliland dad u dhinteen hadabo waxaan idin sheegay inay macno badan sameynayn in biyo iyo in yar raashina meel la geeya aanay waxba tarayn ee ay raxmada ilahay meel kastaba wada gaadho ilahayna waxan inooga baryaaya madar khayr qaba inuu ina siiyo .

Waxa kale oo guddomiyuhu ka hadlay maraaxilka ay soo martay diwaan galintu doorashadu waxaanu yidhi diwaan galin ayaa dalki ka socota waliba xiligo adag lkn hadana iyado uu xiligu adag yahay aynu isku barbar wadna lababada arin labadooduba culayskooda leeyihiin, waxaan mida suurta galiyey shacabkeena oo dad fiican iyago waliba goobaha qaar ay jirto cabasho la xidhiidha iyado gobolada qaar sheganayaan inay dadba joogin lkn hadana waa dad duno waa lays qanciyey si fiican uga socota meelaha soo sheegay ,isgao inta ku daray inay gobolada burco berbera gabilye hawd boorama si fiican qaarna uga soo dhamaden qaarna gabaabsi ku dhow yihiin inay hargaysana week ka bilamayso ilaa mayna sool sanaag laga bilaabi doon insha alaah hadalkiisa ku soo afmeeray .

Guddomiyaha ka saxafad ahaan weydinay socdaalka safarkiisan ayaa sheegay inuu safarkiisani ahaa mid labo ama malin qadan doona jawaabtiisa kusoo ururiyey.

 

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi aad qurxoon guddomiyaha isla maanta oo ay bishu tahay 25 bishan march u kicitimaya dalki hooyo ee somaliland.

COMMENTS
Latest News