Haqabtirenews.com
Barcelona Oo Dooneysa Mesut Ozil Iyo Real Madrid Oo Ah Caqabadooda Koowaad.
March 25, 2016 - Written by admin
">

Barcelona, gaar ahaan xoghaya farsamada ee kooxdaasi ee Roberto Fernandez, ayaa si gaar isha ugu haya xidiga kooxda Arsenal ee Mesut Özil, iyagoo isku dayaya iney soo dhameystiraan heshiis ay dhib badani kala kulmi doonaan oo ay xidigaan dib ugu soo celinayaan La Liga.

Real Madrid ayaa markii ay Ozil ka iibineysay Arsenal ku dartay qodob ah ineysan ka iibin karin kooxda Barcelona laakin kooxda Catalan ka ah ayaa dooneysay iney ka faa’ideysato ganaaxii suuqa laga saaray Real Madrid inkastoo haatan dib loo dhigay ganaaxaas. ‘

As ayaa qoreysay in Madrid ay si buuxdo uga warqabtay tayada xidigaan iyo inuu si weyn ugu soo baxayo hadii uu tago kooxda Barcelona halkaasoo laga ciyaro kubada Tiki taka uu xidigaan ka helo taas ayaana sabab u aheyn iney qandaraaskii ay ku iibiyeen xidigaan ku daraan inaan laga iibin karin kooxda Barca, sidoo kale xidigaan koox looga iibiyo lacag dhan £50 milyan oo poun ayeey kooxda Los Blancos ka heli doontaa lacag dhan boqolkiiba 33 taasoo aan u cuntami doonin Barca.

Ozil

Mesut Özil ayaa ku waalanaya ku laabashada Spain iney soo dalbato kooxda Barça oo heysta sadexda weeraryahan ee dilaayaasha ah ee Messi, Suarez iyo Neymar uu aaminsan yahay inuu sida loo baahan yahay uu uga so bixi karo laakin caqabada labada dhinac dhex taagan ayaa ah heshiiskii uu shalay isaga saxiixay ee ahaa inuusa ku biiri karin kooxda Barca.

COMMENTS
Latest News