Haqabtirenews.com
Qaramada Midoobay Oo Loogu Baaqay Inay Maalgeliso Ciidammada Saaxil Ee Afrika
February 18, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Saaxil:-(HTN) Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in ciidamo goboleedka ka hortagga argagixisada ee gobolka Saaxil ay tahay in Qaramada Midobay ay maalgeliso.

Waxa uu ka hadlayay shirka ammaanka ee magaalada Munich isagoo ay wehlinayaan hogaamiyayaasha Afrika, ayuu Mr Faki waxa uu ka digay in xaaladda gobolka Saaxil ay tahay mid loollan ku haysta caalamka, taas oo weliba ah mid ka weyn wax uu hal dal wax ka qaban karo.

Nabad ilaaliyayaal ku sugan waddanka MaliLahaanshaha sawirkaMINUSMA/MARCO DORMINOImage captionNabad ilaaliyayaal ku sugan waddanka Mali

Ciidammada gobolka Saaxil ee G5 oo ka kooban yihiin shan dal oo ku yaal Galbeedka Afrika ayaa waxa ay la daalaa dhacayeen dhaqaalo yari haysatay tan iyo markii la aasaasay sanadkii hore.

Moussa Faki ayaa ugu baaqay caalamka inay si degdeg ah u eegaan khatar ammaan ee ka taagan gobolka Saaxil, kaas oo ay ka dhacaan weerraro joogta ah oo ay qaadaan maleeshiyaad xiriir la leh urur weynaha Al-qaacidah iyo ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Mr Faki ayaa sheegay in tallaabooyinka ay qaadaan wadammada ay weerraraasi saameeyeen aanay ku filnayn in lagu xalliyo dhibaatada.

Calamada dalalka ciidammada ku biiriyay howlgalka G5 ee gobolka SaaxilImage captionCalamada dalalka ciidammada ku biiriyay howlgalka G5 ee gobolka Saaxil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Mali, Tieman Coulibaly, kaas oo sidoo kale qeyb ka ahaa doodda arrintaasi lagu falanqeynayay ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dhinacyada ay arrintan khusayso oo dhan looga baahan yahay inay bixiyaan lacagihii ay u ballanqaadeen ciidammada G5 loo yaqaan ama waxaa istaagi doona howlgalkaasi.

Dhankiisa Madaxweynaha Burkina Faso, Roch Kabore, ayaa ka digay in dadaaladaasi aanan laga gun gaari karin iyadoon la xasilin waddanka ku yaalla waqooyiga Afrika ee Liibiya.

Waa mid ka mid ah wadahadallada dheeraadka ah ee ay ka qeyb qaadanayaan madaxda Afrikaanka ee ku sugan shirka ammaanka ee Munich oo ah midka ugu ballaaran ee looga hadlo amma

COMMENTS
Latest News