Haqabtirenews.com
Madaxweynaha Dalka Koofur Afrika Jacob Zuma Oo Loo Qabtay 48 Saacadood In uu Isku Casilo.
February 13, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

South Africa:-(HTN) Sida uu baahiyay xalay taleefishinka dowladda ee SABC ayaa waxaa loo qabtay madaxweynaha talada dalka Koonfur Afrika haya Jacob Zuma in uu isku casilo 48 saacadood gudohooda.


Xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC saraakiishiisa sar-sare ayaa go`aankan soo gaadhay kaddib shir albaabada u xidhnaayeen oo ay ku jireen.Jacob Zuma oo 75 jir ah ayaa soo wajahday eedeymo dhowr ah oo la xidhiidha musuq-maasuq uu ku kacay islamarkaana aad u xoogeystay muddooyinkii u dambeeyay.
Taageerayaasha Zuma ayaa ku doodaya in uu dhameysto xilkiisa maadama dalka ay doorasho ka qabsoomeyso sannadka dambe.
Cyril Ramaphosa, hoggaamiyaha xisbiga ANC oo talada xisbiga kala wareegay bishii Desember ee sannadkii tagay madaxweyne Zuma ayaa sheegay in sida uga dhakhsiyaha badan go`aan looga gaadhi doono arrinta madaxweynaha.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii afhayeenka madaxweyne Zuma, Bongani uu beeniyay in uu madaxweynuhu ogolaaday in uu xilka iska casilo.

COMMENTS
Latest News