Haqabtirenews.com
KUMAAD DOORAN DOORKAN ??? Qaybtii 3aad.
July 29, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

KUMAAD DOORAN DOORKAN?! Qaybtii 3aad WQ-Mubarak Xaaji Maxamuud Caabi

Bismilaah,

Waxaynu ku eegeynaa qormadan mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay inuu yeesho hogaamiye ummadeed.

 

HOGAAMIN

Ummad waxay ugu baahi badan tahay inay hesho hogaamiye ku haga wadada/dhabada horumarka iyo guusha. Hogaamiye u noqda ummada tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan.

Sida si lamida waxa aynu ubaahi qabna hogaamiye ina samata bixiya, inaga saara qabyaaladda, dhisa kaabayaasha dhaqaalaha, inoona raadsha aqoonsi.

Hogaamintu waa wax illahay ku ilhaameeyey ama hibo u siiyey addoomihiisa qaar ka mid ah.

 

Hogaamiyaha guusha dhaliya waa hogaamiyaha leh astaamahan soo socda:

  1. Cadaalad
  2. Daacadnimo
  3. Aqoon
  4. Go’aan adayg
  5. Aragti fog
  6. Saamayn
  7. Hal abuur
  8. Xog ogaal
  9. Soo jiidasho
  10. Kalsooni

 

Hadaba weydiinta iyo war celintu waxa ay noqonaysaa, astaamahan musharixiinta saddexda xisbi qaran FAYSAL, MUUSE IYO CABDIRAXMAAN keebaa leh dhammaan ama badhkood oo aynu dooranaa???

 

Intaas waxa dheer in hogaamiyaha iyo bulshada uu hogaaminayaa isdhex gal ka dhexeeyo sida:

  1. Wanaajinta ama hagaajinta degaanka dadku ku shaqeynayo.
  2. Ogaanshaha iyo garashada naftiisa iyo waliba dadka la shaqeenaya tariikh nololeedkooda, si inta xun ee wax ma tartada ah uga saaro ama uga sooco inta wanaagsan ee waxtar ka leh.
  3. Tusida iyo ku hagida wadada guusha shikhsiyaadka uu u igmaday hawlaha kala duwan.
  4. In hogaanku ahaado mid u waji furan oo saamayn togon ku leh bulshadiisa gaar ahaan inta hawl la wadaageysa. Waayo waxa ay keenaysa in si hagar la’aan ah loo wada guto shaqada qaranka.
  5. Waa inuu hogaanku bulshadiisa ku xeeran kaga dhex muuqda ama uu ku caan baxaa fikir togon, kalsooni iyo dhiiri galin horseed u noqon karta guulo isdaba joog ah.
  6. Hogaanku waa inuu dhisaa go’aamo iyo ahdaaf guud oo laga midaysan yahay khuseeyana danta dalka iyo dadka.
  7. Hogaanku waa inuu ahaadaa ama noqdaa xaliyaha khilaaf kasta, leeyahayna xirfado iyo waayo aragnimo ku taageerta.
  8. Hogaanku waa inuu bulshadiisa taageero niyad ah ku caawiyaa si ay ugu guulaystaan waxyaabo ay ku fakarayeen in aanay samayn karin ama qaban karin.
  9. Jiilka dambe waa inuu hogaanku ka dhex dhisaa koox uu u tababaro hogaaminta dalkooda jecleesiyana waddankooda.
  10. Hogaanku waa inuu u dhaga nuglaada dhagaystaana bulshada uu hogaamiyo.

Waa hubaal hadii hogaan noocan ah aynu helno si wada jir ah u guuleysanayno, yaraanayo/istaagayo tahriibku, shaqo la’aanta iyo qabyaaladu.

 

Hogaaminta iyo Qur’aanka iyo Sunnada (Sh.Maxamed Idiris)

 

  1. Qur’aanka kariimka waxaad ku arkeysaa hoggaamiyayaasha ama imaamyada (Dadka lagu daydo ama la raaco) wuxuu u qaybiyaa labo:

1- Hogaan khayr iyo hanuun dadka u horseeda.

2- Hogaan shar iyo cadaab dadka u horseeda.

 

 

  1. Wuxu Qur’aanku tusaalayaal ka bixiyey hogaanka wanaagsan ee daacadda u ah dadka uu hogaaminayo iyo inuu ku hogaamiyo sida maslaxadoodu ku jirto, iyo kuwa xumaanta u horseeda dadka ay hogaaminayaan, ka dibna dhibaato iyo halaag dhaxalsiiya.

Waxa ka mid ah Boqoradi Saba/Yemen, oo ummaddeedi wadatashi iyo iimaan u horseeday iyo Fircoon oo hogaamiyaha xun tusaale u ahaa oo ummadiisi khasaaro u horseeday.

 

  1. Xagga sunnada Nebigu (scw) immaamka ama hogaamiyaha caadilka ah wuxu ka dhigay qofka 1aad todobada carshiga illahay harsada maalinta qiyaamaha.

 

  1. Sunnada iyo siirada Rasuulka (scw) marka aan u fiirsano wuxu hogaaminta siin jiray muhiimad weyn. Maamulka gobolada, ama hogaaminta Ciidamada, wuxu u dhiibi jiray rag ku caan baxay hogaaminta iyo maamulka, haba joogaan rag iyaga xagga aqoonta diinta uga fiican ama Islaamka iyo iimaanka uga horreyey, taasina waxay ahayd ilaalin uu ilaalinayey Rasuulku (scw), sida hawlaha loogu kala fiican yahay.

 

Ugu dambeyn, aynu u meel deyno farteena oo aynu ku doorano hogaan cadaaliya oo nadiif ah.

 

Hogaan siyaasiya,

Ku suntan cadaalad,

Ka sareeya qabiilka,

Ha loo saxo waraaqda.

 

Lasoco Qaybta 4aad

© Mubarak Xaaji Maxamuud Caabi

mxmCaabi@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News