Haqabtirenews.com
TOBBAN FAA’IIDO OO AY SADAQADU LEEDAHAY.
June 21, 2017 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Ugu horayn kelmada “sadaqo” waa af carabi, balse waxaa soomaali lagu yidhaahdaa, maalka uu qofku ula baxo, ilaahay dartii. Soomaali ahaan “dhawrto” eraygaas oo ay dadkeenii hore, isticmaali jireen.

Waxa aad halkaas ka garan kartaa in ay sadaqadu tahay ‘’dhawrto’’ ama ilaaliso qofka bixiya. Haddaba waxa aan halkan ku xusi doonaa tobban faa’iido, oo ay sadaqadu leedahay.

anigoo mid kasta u daliishan doona xadiis rasuulka laga soo wariyay.’’ Sallalaahu calayhi wasalam’’ Waxaana ay kala yihiin:-

1.Nabigu wuxuu yidhi : Sallalaahu calayhi wasalam “Sadaqadu ama dhawrtadu, alle cadhadiisa ayay kaa bakhtiisaa, sida y biyuhu dabka u bakhtiiyaan oo kale”

2. Nabigu wuxuu yidhi: Sallalaahu calayhi wasalam ‘’Sadaqadu waxa tirtirtaa danbiyadii aad gashay’’

3. Nabigu wuxuu yidhi: Sallalaahu calayhi wasalam ‘’Aakhiro qof walba wuxuu hadhsanayaa, sadaqada uu bixiyay, inta ay leeg tahay’’

4.Nabigu wuxuu yidhi: Sallalaahu calayhi wasalam’’ “dadkiina buka ama xanuunsanaaya ku daaweeya sadaqada’’

5. Nabigu wuxuu yidhi: Sallalaahu calayhi wasalam “Naarta wuxuun iska xigsiiya ama kaga gaashaanta, kollay jeex timirana ha ahaatee”

6. Nabigu wuxuu yidhi: Sallalaahu calayhi wasalam ‘’qofkii raba inuu qalbigiisu jilco, dadka masaakiinta ah, wax ha siiyo agoontana ha ilaaliyo’’

7. Nabigu wuxuu yidhi : Sallalaahu calayhi wasalam ‘’waxaa maalinkasta uduceeya malag, qofka sadaqada bixiya ”

8. Nabigu wuxuu yidhi: Sallalaahu calayhi wasalam “qofka sadaqada bixiya aakhiro, irid ama kaddin gooni ah ayuu ka gala jannada ”

9. Nabigu wuxuu yidhi: Sallalaahu calayhi wasalam “waxay cadaysaa inuu qofkaasi islaam yahay”

10. Nabigu wuxuu yidhi: Sallalaahu calayhi wasalam “ sadaqadu naftay daahirisaa, maalkana way badisaa” Guntii iyo gebo-gabadii, waxaan naftayda iyo nafihiinaba idinkula dardaarmayaa, wax bixinta.

sanduuqa alle wixii kuugu dhacaa maad khasaarin ee taa niyadda ku hayso markasta iyo meelkastaba.

Ibraahim Maxamed Kaahin. (Ibraahim-DHuxul)

dribraahimm@gmail.com

COMMENTS
Latest News