Haqabtirenews.com
Dhalinyarada Togdheer Horaa Tariibi U Dhamaysay Oo Uma Baahna Dhaqaajin. WQ-Musharax Maxamed Shaami.
April 13, 2017 - Written by admin
">

Waxaaaa Nasiib Daro Ah In Xarun Waxbarasho Oo Sifo Sharci Dalka Lagaga Hirgeliyey Albaabada Laysugu Dhufto.
Waxaase Ka Daran In Awaamiirta Noocan Oo Kale Ah In saxaafada ( Media) Laysu Mariyo Oo Ardayda Maankooda iyo Maxkaxdoda Lagu Ciyaaro.
Waxaaa Intaas Oo Dhanba Kasii Daran in Goob Waxbarasho oo Imtixaan Ardaydu Ku Jirto In askar Lagu Soo Fayliyo.

Wasaarada Waxbarashadu Waaa Wasaarada Ugu Balaadhan Dalka Uguna Masuuliyada Culus, islamar Ahaantaana U Baahan Masuul Macquul Ah Hanan Kara Howshaas Adag.

Maadama Ubadka iyo Dhalinyada Dalka Ay tahay In Maskaxdooda iyo Mustaqbalkooda la Koriyo oo La Kobciyo, Lagulana Dhaqmo Hab Dhaqan Fiican Oo Ay Ku Dayan Karaan, Waayo Wasaaradu Qudha Ma Qaabilsana Tacliinta ee Waxay Kaloo Masuuliyadi Kasaaran tahay Oo Tacliinta Laga Horaysiiyaa Tarbiyada Ubadka Oo Ah Ubaxa Dalkan Usoo Kacaaya Ay Mudan Tahay In Lasii Dhiso Mustaqbalkooda iyo Masiirkooda Danbe Maadama Ay Yihiin Hogaanka Beri ee Dalka.

Waxaan Aad Uga Xumahay Falka Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Habane Kula Kacay Jaamacada Togdheer Internatiional University ( Ex-Addis University Burco), Oo Ay Waqti Xaadirkan Wax Ka Bartaan Boqolaal Arday Oo Heerar Kala Duwan Maraya Waqti, Maal Iyo Maskax Badana Geliyey, Iyo Waalidiin 16 Sano Kusoo Tabcaayey Ubadkooda oo Intaas Lacag Ka Bixinaayey iyadoo Ahayd Shaqaddii Wasaarada Waxbarashada Oo Kaalinteedii Gabtay oo Waalidiintu Buuxiyeen iyo Muwaadiniinta Ku Dedaalay In Hir-geliyaan Goobo Waxbarasho Oo Noocan Oo Kale.
Waxaay Ahayd Xukuumadu Inay Kabto Jaamacada iyo Iskuulada Gaar Loo Yahay Maadama Oo Ay Kadobooleen Masuuliyad Iyo Baahi Ay Wasaaradu Ka Gaabisay.

Ugu Danbayntii Waxaan Ugu Baaqayaa Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Ugu Horeeyo Wasiir Habane Inaan ardayda Mustaqbalkooda Lagu Ciyaarin, Maskaxdana Laga Xumayn,
Inta yar Ee dalkooda Aamintay ee Tahriib Ka Badbaaday Aan Dawladu Tahriib Ku Qalqaalin.
Ogowna Wasiir Haddii Nidaamka Waxbarasho Ee Dalka Fashilmo Macnaheedu Waa In Laguu Igmaday Masuuliyad Aanad Awoodeeda iyo Aqoonteeda Toona Lahayne.

Maxamed Shaami
Burco-Somaliland

COMMENTS
Latest News