Haqabtirenews.com
Xaqaa’iqa Isdiidan (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)
April 4, 2017 - Written by admin
">

1988-kii ayaa 250,000 oo qof oo shacabkii degenaa magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo  waxay qaxootinmo miciin bideen xeryo qaxooti oo  ku yaalay gudaha dalka Itoobiya, ka dib markii ay magaalooyinkii ka qarxeen dagaalo lagu hoobtay, oo galaaftay nafaha dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof, burburiyana hanti lagu qiyaasay Malaayiin iyo Malaayiin Doolar, dagaaladaas oo u dhexeeyay Ciidamadii Soomaaliya ee daacadda u ahaa keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre iyo Xoogagii SNM ee taageerada ka heli jiray inta badan shacabkii ku noolaa Magaalooyinka Kor ku xusan.

Hussein-Lucky-1-500x667

Dagaaladaasi waxay malkiyeen shacabkii reer waqooyiga ahaa barakac, Qaxootinimo, dil, dhac, iyo iyagoo faro-madhnaan iska taagay, subaxna ka huleelay magaalooyinkii ay boqolaal sanno soo tabcayeen iyo wixii hoos yiilay, laakiin, bal giraanta dhinac kale u rog, xiligii, halaagaasi ka socday goboladii waqooyi, inta badan, Goboladiii koonfuraeed way deganaaayeen,kamana warqabin qiyaamihii ku habsatay shacabkii reer waqooyi, inkastoo shacabka reer waqooyiga laftiisu aanu halagaasi ka wada sinayn. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, BELAAYADU INTAY KAA MAQAN TAHAY KHAYRKAA BAY KU MAQAN TAHAY, Giraanta taariikhdu waxay markale isu rogtay docda kale, sanadkii 1991 kii ayaa caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho belaayadu ka qiiqday, oo halaagu isqoorsaday, ka dib markii belaayaddii 19888 ka oogsatay Goboladii Waqooyigu ay Magaaladii Muqdisho  ka uguntay, dilka, dhaca, kufsiga ayaa wuxay noqdeen wax sed iyo quud u nqodeen Shacabkii halkaas degenaa, dad boqolaal kun gaadhaya ayaa qaxa iyo barakaca miciin biday, oo uu ku jiray Generaal Siyaad Barre laftiisu, iyo gebi ahaanba madaxdii sare sare ee dawladiisa ee aan u dhalan muqdisho, waxaana cidkastaaba ay gacanta ku qaadatay sharciga laftiisii, waxaana halkaas kusoo afjarantay 31 sanadood oo dawlad soomaaliyeed ay jirtay, iyadoo ay cidkastaaba dib ugu noqotay deegaankii  ay asal ahaan kazoo jeeday, ilaa iyo maantana, waxaa baadigoob loogu jiraa sidii laysugu keeni lahaa Soomaalidii kala irdhowday ee uur-gumaarku kala galay.

Xaqaa’iqa Isdiidan

Aqooyahanka, siyaasiyiinta, iy waxgaradka reer koonfureedku waxay belaayadii iyo burburkii ku habsaday Soomaaliya ka bilaabaan markasta oo ay hadlayaan sanadkii 1991-kii, oo ah markii ay dawladii dhexe ee Soomaliya burburtay., ee Muqdisho lagu kala yaacay, halka, Siyaasyiinta, wax garadka, iyo Aqooyahanka reer waqooyiguna u yaqaanaan Sanadkaas 1991-dii inuu yahay sanadkii ay barwaaqoobeen ee ay lasoo noqdeen Calankii ay lumiyeen Sanadkii 1960-kii, oo uma arkaan in 1991-kii inuu yahay sanad dhibaato iyo waxyeelo ay Soomaalida ku habsatay, si la mid ah sida aanay reer Koonfureedku u arkin sanadkii 1988-kii sanad dhibaato iyo waxyeelo ku dhacday Soomaalida, markaas, side laysu waafajin doonaa Xaqaa’iqaas is diidan, ha ilaawin, tani waxay inoosheegaysaa in caqliga Soomaalidu uu belaayadda iyo halaaga aqoonsado markay ay isaga naftiisa ku habsato, balse, dan kama leh, marka ay walaalkiisa kale beledu hufayso.

Dhinaca kale, Soomaaliland (goboladii waaqooyi) waxay noqotay meesha qudha ee dhulkii Soomaaliya la odhan jiray ay hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah, oo hal cod iyo hal qof isku soo dooranayay 15kii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo tiraba labo madaxweyne ay tartan ku qotoma hanaanka xisbiyada badan ay xukunka kulak ala wareegeen, laakiin, Siyaasiyiinta, iyo Hogaamiyayaasha reer Koonfureedku tan ma xusaan, ee waxay dimoraadiyad ku tilmaamaan sidii uu Sheikh Shariif Xukunka ugu wareejiyay Xasan SheikhMaxamuud iuo Sidii xasan Seikh Maxamuud uu Xukunka ugu Wareejiyay Farmaajo, iyagoo ku tilmaama inay tahay markii ugu horeysay ee si Dimoqoraadi ah ay sadex madaxweyne Xilka isugu Wareejiyaan tan iyo Burburkii Soomaaliya ee sannadkii 19991-kii, iyadoo Sannadkaas 1991-kii ee reer Koonfureedka burburka ugu xusani, uu reer waqooyiga u yahay Sanad sharaf iyo karaamo mudan oo ay dib ula soo noqdeen Xoriyadoodii ka luntay 1960-kii. Ee bal markaas  u garnaq xaqaa’iqa, is diidan Akhriste adigu, si aynu dawo ugu helo Soomaalinimada afka baarkiisa inoo soo joogta, ee aan uurka inaga jirin.

Wa Bilaahi Tawfiiq

WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.

COMMENTS
Latest News