Haqabtirenews.com
Oogada Dusheedu Wey Asturantahay Xijaabka Ay Xidhantahay Dhulka Ayuu Xaabayaa , Haddana Dhaqan Xumo Ayey Koobka Qaaday !! Qalinkii C/raxmaan Carab (CabdiSaxafi )
March 28, 2017 - Written by admin
">

Xijaabka oo hu’ga ugu qurxeen ee ay haweenku ku lebistaan ama xidhaan, isla markaana ay ku asturaan jidhkooda iyadoo uu illahay SWT uu ku waajibaye haweenka in ay xidhaan xijaabka, taas oo ragguna ay si gaar ah u ixtiraamaan una tixgeliyaan haweenka xijaaban, balse hadda waxa soo caanbaxay in belo kastaa ay xijaabka kui gabato, iyadoo uu xidho nin is qarxinayaa ama ujeedo kale leh, kaasi oo ku dhuumanay xijeebka iyo idho sharareer ilaa inta uu dantiisa ku fushanayo, kaas marka uu dantiisa dhammaysto iska tuuraya hadhow.

17498638_1268342866618524_7939718160214119833_n

Sanadkii hore anniga iyo nin kale oo weriyaha ayaa ka safarnay Magaalada Hargeysa, waxaanu tagnay magaalada Berbera , halkaasi oo aanu ku degnay mid kamid ah huteelada ku yaala magaalada Berbera, galab ayaa annaga oo barxada huteelka fadhina oo shaah cabaynay, ayaa waxa’na soo agmartay haweenay xijaab dhulka xaabaya xidhan iyo idho shareer , taasi oo wiilkii ka shaqanaye huteelka gacan haadis ugu yeedhay wuu u tegay qol ayuu dejiyey aan naga fogayn, muddo yar kadib waxa soo maray meesha nin maqiiqan oo dhalinyaro ah kaasi oo sharaab iyo qaad sitay qolkii gabadha ayuu toos u abaaray, kaas oo ay haweenaydo ka sii furtay wuu riixay dalaq wuu galayba, isagoo hoosta kaga roga furaha oo soo xidhay, wiilkii huteelka ayaan weydiiyey waar Cali ninkan ordayaa ee qaadka sitaa ma sheekhada ayuu qabaa? Maya waar wuu la qayilayaa sheekhadaa boodaye maaha sheekhad ee waa ciidankii kale, miyaanay wadaad ahayn sawtii xijaabnayd walaal? Saxiib dumarka xijaabka xidhan ma ah wadda sheekhado waa la isku hoos jiraa ayuu igu af-celiyey.

Geesta kale dhacdooyinka foosha xun iyo dhaqamada liita ee islaamnimada ka baxsan ee aan ku arkay qaar kamid ah haweenka xijaabka kud huunta ee xumaha u xidha wey badan yihiin, balse hal dhacdo ayaan ka soo qaadanayaa dhawaan aan arkay “Habeen anniga iyo wiil kale oo aanu saxiibnahay ayaa mid kamid ah basaska u kala goosha xaafadaha Hargeysa raacnay iyadoo ay kursiga naga dabeeya fadhiyeen laba haween ah oo xijaab iyo indho shareer xidhan, wey iska sheekaysanayaa korna wey u qaylinayaa, hooyo waayeel ah ayaa ku tidhi hooyo hablo ayaad tihiin ee xishooda oo hoos u sheekaysata una qosla, mid ayaa soo booday kute” Xishoodka ayaan waxaynaa yaa cajuusa kursigaagu hagu qaado” intaas markii ay ka soo yeedhay gabadhii asturnay , ayaa dadkii Baska saarnaa isla oogsaday hablihii ayaa lagu yidhi islaanta maxaad ku caydeen wax wanaagsan ayey idiin sheegtay, waxay ku jawabeen iyagoo kor u qaylinayana wanaaga ayaan waxaynaa danahiina raacda.

Arrinku marka uu halkaasi marayo wadaad culimada salefka ah oo baska saarnaa ayaa xanaaqay “wuxuu yidhi gaadhiga saldhiga gee waan xidhanayaaye, wey soo boodeen ma adiga ayaa ku dhaca , nacas-yahow gadhka weyn leh kuwa aad dhasha u tali iyo naagtaada, xaalku marka uu halaa marayo darawalkii ayaa ky yidhi iga soo deg lacagtiinana haystoo,iyadoo ay xusid mudantahay in iyagoo caytama oo xanaaqsan ay naga degeen, iyadoo hoosta kaga wada habaarayo.

.
Haweenka wey asturnayeen haddana dhaqan xumo iyo akhlaaq xumo ayey koobka qaadeen, marka aad jaleecdo dhal wadaad ayaad moodaysaa lakiin oo dhal shaydaan, waxa afkooda ka soo yeedhay uma adkaysanaysid .

Gunaanad hablaha xijaabani ma wadda xuma, balse waxa jira qaar shaydaan qaatay oo xumo ay samanayaa u xidha kuwaas oo ku gabanay, waxaan ugu baaqayaa in xijaabku xurmo ayuu mudanyahay ee laga daayo xumaanta

COMMENTS
Latest News