Haqabtirenews.com
Dalka Caddalaad Baa Deeqda WQ-Mr.Mohamed Shaami.
January 12, 2017 - Written by admin
">

Markaan Leeyahay Dalka Cadaalad baa Deeqda Waxaan Uga Jeedaa in Waxqabadka Xukuumadu Ku Salayso Hadba Meesha Baahi u Qabta Baahiyaha Aasaasiga ah Sida Caafimaadka,Biyaha iyo Horumarinta kale Ee La Xidhiidha Kaabayaasha Dhaqaalaha,
.
Maanta Waxaan Si Kooban Uga hadlayaa Ceelal Biyoodyada laga qoday Somaliland Sannadkii udambeeyay iyo Deegaamada laga qoaday oo aan hab Macquula ama ku salaysan baahi aan looga hirgelin Taasina waxay inagu abuuri kartaa in Nidaamka Dawladeed la aamini waayo laguna Kalsoonaan waayo.
.
Waxaan Arinkaa Hagaajintiisa iyo Qorshayntiisa iska leh Wasaarada Biyaha oo Masuul uga ah Qaranka, Anigu Sidaan qabo Waxaa wasaaradaasi qorshe la’aan ceelal biyoodyo uga taagtay Goobo aan baahi weyn looga qabin Taasina waata Keentay in Xilli abaareedkan la waayo ceel biyood laga waraabiyo Dadka abaaraha ku tabaalaysan intii hore jirtayna ay gudhaan.
.
Anigoo ah Muwaadin ka xaq u leh inuu ka hadlo hawlaha Deegaamada aan ka sharaxanahay Ee Gobolka Togdheer waxaa muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan Hawshaa uu wax uga bedelo Wasiirka wasaarada biyaha oo ah igamanaha Hawshan.
.
Gunaanadkii hadalka waxaan Kusoo afmeerayaa Waxaan baaq usoo jeedinayaa Masuuulkeenaa Wasaarada madaxweynuhu inoogu dhiibay inuu sidan wax ka bedelo,Deegaamadan aan kor ku xusayna Ceelal biyoodyo laga qodo.
.
Waad Mahadsantihiin
Musharax Maxamed Shaami
Burao-Somaliland.

COMMENTS
Latest News