Haqabtirenews.com
CAJIIB Booliska Hindiya Oo Qabtay 6,000-Kun Oo Diinan Ah Oo La Xaday + Cida Xaday Oo La Sheegay.
January 12, 2017 - Written by admin
">

Booliska dalka Hindiya ayaa qabtay in ka badan 6,000 (lix kun) oo didiin oo la doonayay in dalkaasi dibaddiisa loo qaado.

Diinka oo ah nooca qolofta madow waxaa laga helay guri ku yaalla magaalada Amerthi ee gobolka Uttar Pradesh.

Wararka waxay sheegayaan in loo waday magaalada Kolkata, ka dibna la sii dhoofin lahaa.

Hal qof ayaa loo xiray arrintan oo ka mid ah dhacdooyiinka ugu yaabka badnaa Hindiya.

Tirada ayaa ah tan ugu badan ee abid booliska Hindiya ay soo helaan.

Didiinkan maaha mid halis ah, balse waxaa la geeyaa Koofur-Bari Aasiya, halkaas oo hilibka iyo qoloftiisa ay qaali ka yihiin.

Meelaha qaar ayaa la sheegay in looga arko in “raganimada uu xoojiyo hilibkiisa”.

Sidoo kale qolfoofta ayaa laga sameeyaa budo loo isticmaalo daawo dhaqameed.

“Laanta ilaalinta duurjoogta iyo noolaha ayaa xaqiijisay in ay tahay markii ugu horeysay oo tiro sidan u badan oo didiin ah la isku deyo in la xado,” ayuu yiri Arvind Chaturvedi oo ah madaxa ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

Mr Chaturvedi wuxuu sheegay in qofka ay booliska xireen la aaminsan yahay inuu yahay ninka isku xira shabakadda ka ganacsata didiinka.

COMMENTS
Latest News