Haqabtirenews.com
Madaxwayne Barack Obaama Oo Jeediyay Khudbad Sanadedkisii Ugu Danbeyay +Kana Hadlayna Qodoba Dhawr Ah Oo Uu Ugu Horeeyo Amaanka.
January 11, 2017 - Written by Wariye Xudayfi

-Washington(HTN)-Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyay khudbo uu ku macsalaameeyay taageerayaashiisa.

Hadalka ayuu u jeediyay kumannaan qof oo isugu soo baxay Chicago, halkaas oo ah meesha siyaasadda uu ka billaabay.
Dadka ayaa si weyn oo farxad leh ugu sabciyay Obama oo 20-ka bishan xilka ku wareejinaya Trump.

Wuxuu sheegay inuu ka tagayo Mareykank wanaagsan, oo awood leh, iskuna duuban.
Wuxuu tilmaamay inuu shaqa wanaagsan qabtay sideedii sano ee xilka uu hayay.

Haddaba maxaa la taaban karaa oo uu Obama ka bedelay siyaasadda gudaha ee Maraykanka ka dib sideed sano oo uu xukunka hayay?
Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.

Dhageyso: Obama iyo isbedelka uu sameeyay sideedii sano ee xukunka uu hayay
Wuxuu xusay guulaha uu gaaray, sida koboca dhaqaalaha, heshiiska nuclearka ee Iiraan, soo celinta xiriirka Kuuba, iyo xuquuqda dadka Mareykanka.
Laakiin wuxuu sheegay in rajada mideynta qowmiyadaha Mareykanka oo uu ka dhawaajiyay xilliguu xilka qabtay ay weli suuragal tahay.
Wuxuuna qiray in kala qeybsanaanta weli ay tahay mid xoog badan oo taagan.

COMMENTS
Latest News