Haqabtirenews.com
Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Ee Soomaliland Oo Fariin Culus U Diray Hayadaha Laamha Dawlada+Ku Wargaliyayna In Anay Bixin Qandaraas Aan Soomarin Gudida.
January 11, 2017 - Written by Wariye Xudayfi

Hargaisa(HTN)-Guddoomiyaha guddiga qandaraasyada Somaliland Mudane Shariif Abokor Xasan (Dhuuxyare) oo warbaahinta kula hadlay xafiiskii magaalada Hargeysa ayaa ku wargaliyey dhamaan hay’adaha dawladda inay wixii qandaraasyo ah ee dalka laga hirgalinayo la soo socod siiyaan guddiga qandaraasyada qaranka oo guddoomiye ka yahay.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale ballanqaaday in qandaraasyada soo gaadha xafiiskiisa ay si cadaalad ah ugu tartami doonaan dhamaan muwaadiniinta xiisanaysa waxaana uu xusay inuu ka dheeraan doono wixii is dabamarin iyo mad-madaw ah, isagoo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“waxaan si sharaf iyo qadarin leh idiinku wargalinayaa inay hay’ad waliba soo gudbisato wixii horumar ah si loo baahiyo oo loo xayaysiiyo oo dadka muwaadiniinta ahina ay si xor ah ugu soo tartamaan, haddii ay noqoto dhinaca qiimaha iyo dhinaca tayada ayay hay’adayadu jeeg garaysaa sidaas daraadeed waxaan balan qaadaya wixii qandaraas ah ee halkan yimaada in loogu tartami doono si aan eex lahayn oo aan is dabamarin lahayn, qofkii ku guulaystana dadka hortooda loogu furi doono, markaa waxaanu idinka codsanaynaa inaad shaqadayada nagu ixtiraamtaan”.

Hadalka guddoomiyaha guddiga qandraasyada ayaa imanaya iyadoo aanay wasaaradaha itooda badani ay qandaraasyada ku bixiyaan hab baal marsan sharciga oo musuq ku duugan yahay, waxaana xusid mudan in laantani illaa hadda aanay sidii loogu talo galay u shaqayn.

COMMENTS
Latest News