Haqabtirenews.com
Abwaan Xasan Ganay Oo Talooyin Wax Ku Ool Ah U Soo Jeediyay Wasiiradda Xukumadda Ee U Guul Wadeeya Madaxwaynaha Iyo Xisbiga Kulmiye+Kula Dar Daarmayna In Ay Ummadda U Shaqeeyaan.
January 11, 2017 - Written by admin
">

Hargaisa(HTN)-Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganey) oo kamid ah Abwaanada ugu magaca wayn guud ahaan Somalida, ahna ruux miisan culus ku leh bulshada  ayaa wasiirada Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay inay ummadda u shaqeeyaan oo ay iska daayaan madaxweynaha ay hor yaacaan marka uu dhoofayo ama soo noqonayo (Guul Wadaynta).

Abwaanka oo shalay ka hadlayay shirjaraa’id oo ay abwaano tiro ahi kaga hadleen xaaladda dalka iyo abaaraha jira, wuxuu isagoo wasiirada la hadlaya yidhi “Qolada Wasiiradda ah dalka waad u dhaarateen, marka la yidhaahdo Madaxweynihii baa baxaya, DIG—DIG—DIG , way suldaari baan is idhaahdaa Madaxweynaha oo afweyntuu goosan. Dhagax kiilo leeg bay afartan gacmood iskugu imanayaan, wuu soo galayaa waad hor cararaysaan, waar umadda u shaqeeya, waar umaddiina matala”. Ayuu yidhi Abwaan Xasan Xaji Cabdillaahi (Xasan Ganay)

COMMENTS
Latest News