Haqabtirenews.com
Pakistan Oo Bilowday Samaysiga Gantaal Riddo Dheer Oo Laga Rido Badda Hoosteeda.
January 10, 2017 - Written by admin

Militariga dalka Pkaistan ayaa shaaciyay inay si guul ah ku dhammaatay tijaabada gantaalkoodii ugu horeeyay ee riddo dheer oo badda hoosteeda laga rido.

Gantaalka loogu magacdaray Babur-3, oo gaari kara illaa 450km, ayaa qaadaya madaxyada hubka nukliyerka, sida uu xaqiijiyay afhayeen la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Ra’iisul wasaare Nawaz Sharif wuxuu tilmaamay in tijaabada ay muujineyso guusha Pakistan ee teknolojiyadda iyo isku filnaanta.

Sikastaba, dadka arrimaha amniga falanqeeya waxay sheegayaan in tallaabadan ay sare u qaadi karto khilaafka ka dhexeeya Hindiya iyo Pakistan.

Labada dal ayuu seddax dagaal dhexmaray tan iyo markii ay xuriyadda qaateen ee 1947-dii.

Sidoo kale, Pakistan iyo Hindiya ayaa gantaallo kala duwan sameystay tan iyo markii ay hubka nukliyerka sameysteen ee 1998-dii.

Hindiya waxay 2008 tijaabisay awoodooda nukliyerka ee badda hoosteeda. Sanadkii 2013kii ayey sidoo kale tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah.

Hindiya weli kameysan hadlin tijaabadan cusub ee Pakistan ay sameysay.

Pakistan ayaa meel aan la shaacin oo bad-weynta Hindiya ka mid ah ku tijaabisay madfaca.

COMMENTS
Latest News