Haqabtirenews.com
XAALADA DALKA WQ-Musharax Maxamed Shaami.
January 8, 2017 - Written by admin
">

Bismillahi Raxmaani Raxiim
.
Ugu Horayn Waxaa Amaan iyo Mahad leh Rabbi SWT, Waxaan Doonayaa inaan ka hadlo Qodobo dhowra oo La Xidhiidha Xaalada Dalku Marayo.
.
Waxaan Eegi Doonaa Qodobadan
1. Xaalada Abaaraha Dalka Ka Taagan.
2. Doorashooyinka Dalka.
.
1. Xaalada Abaaraha Dalka Ka Taagan.
Waxaan Marka Hore Ilaahay Ka baryayaa inuu Abaarta,Gaajada, iyo Biyo La’aanta itaba inaga Kor Qaado Oo Naxariistiisa Inoo Shubo Isagaana Awoodaa leh oo aynu Adoomu Unahay,
.
Abaartu Sida la Wada socono Waxay Maraysaa Heerkii Ugu Xumaa iyadoo ay saamaysay Gobolada bariga 80% Ayna Ka Baxeen Duunyadii ay haysteen isla Markaana Dadkii Khatar Ku Suganyihiin, Taasoo ay jirto Xaalad Caafimaad darro Oo Dilaacday.
.
Waxaynu Ubaahanahay inaynu Islaanimo iyo Somalilandernimo Ugu Gurmano Dadkaas, Waxaana Gaabis ah Gurmad iyo Samata bixinta Dadka Abaarahan Ku Tabaalaysan.
.
Waxaa kale oo Nasiib darro Weyn ah in Xildhibaanadii 15 Sano ku dhawaad fadhiyay Ay Noqdeen Gole Hagar daamo oo Aan Ummada Wanaageeda ka shaqayn Waanan Ka Xumahay Sida aad Idinkuna Uga Xuntihiin, Waa wax lala yaabo in Deegaamadii laga soo doortay aanay Hal Maalin soo istaagin,
.
2.Daoorashooyinka Dalka.
Iyadoo ay Jirto Xaaladaa Qalafsan Ee Aan Kasoo Sheekaynay Waxaa Muhiima inaynu Tudhaale Samayno oo umadeena u diir naxno Macquul Maaha Raggeena sharaxan ama Madaxweyne ha u sharaxnaadaan ama Baarlamaane inaynu Doorasho soo qaadno kuna Fikirno Waa Nasiib darro weyn iyadaoo Dadkeeni dhimanayaan inaynu Doorasho u han qaltaagno.
.
Ka Musharax Ahaan Waxa Soo Jeedinayaa inaynu Doorashada dib u dhigno kana fikirno badbaadinta Muwaadiniinta Reer Somaliland ee Dhibaatadu Ku Habsatay.
.
Guud ahaan Dadka Reer Somaliland ha isu kaashadaan samata bixinta Dadkan Xaalada bani aadanimo soo food saartay Wanaag iyo Khayr badan baa inoogu Jira.
.
Aad baad umahadsantihiin
Musharax Maxamed Shaami
Burao-Somaliland.
Somaliland,Guul,Barwaaqo,iyo Gobonimo.

COMMENTS
Latest News