Haqabtirenews.com
Dhagaraha Dahsoon Ee Wasiir Caddaani U Qoolaayo Dhaliyarada Ay Isku Beesha Yihiin W Q Aqoonyahan Mustafe Shaybe.
January 3, 2017 - Written by admin
">

Burco(HTN)Muqaal -Wasiirka wasaaradda warfaafihinta iyo wacyigelinta, soomaaliland ninka lagu magacaabo Cimsaaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa maalmahan waxa uu ku sugnaa Gobolka tog-dheer ee maagalada Burco. Caddaani ayaa shirar gooni gooni ah la qaatay qaybo ka mida bulshada gobolka tog-dheer, waxa uu wasiirku si gaara uu u bar tilmaameedsaday beesha uu ka soo jeedo, ee Muuse carre. Waxa uu dhigay dabino iyo qoolal uu gelinaayo beeshiisa isaga oo labada dhaban ilmadda ku hoorsanaya iskana dhigaaya nin matala iyaga oo isku duubni wadareed ugu adeegaaya. Waxa uu hore u sii ogaa oo aan ka qorsoonayn inay Beeshiisu hal dabala’la u galeen xisbiga Mucaraadka ah Ee Waddani. Beesha uu ka soo jeedo Wasiirku ayaa iyadu hore u dhiibatay badhaadhaheeda kuna biirtay Xisbiga waddani.

Ninkan ayaa waxa uu mashruuca ka soo qaatay Muuse Biixi Cabdi oo uu u yahay Kabo qaad, uu hadba meel u dirso.  Caddaani waxaa uu markii koobaad la kulmay odayaasha Beesha uu ka soo jeedo balse waxa uu kala kulmay Weji gabax iyo dhirbaaxo lama filaana. Intaasi markay ku dhacday ayuu islma markiiba waxa uu u xadhko xidhay siduu dhalinyarada reerkiisa Qool u gelin lahaa si uu ugu bad baadsado Danihiisa gaarka ah iyo kursiga Maraqsaarka ah ee wasirrnimo. Waxa uu ugu baaqay shir tolnimo iyo is xogwaraysi isaga oo dhalinyarada ku war geliyay inanay wax kamarada iyo saxaafadi jirin, kuna beer laxawsaday inuu yahay nin inaaderkooda, ee ayna fantaynin  ee ay ka qablaan casuumada iyo sharka is xog waraysiga ah.

Wasiirku waxa uu dhuuntay dhuumasho dhabarku muuqdo, waxa uu hoosta ka diyaarsaday qaar kamida yaryarka calooshood u shaqaystayaasha ah oo isla beesha uu ku dhex darsaday kuna yidhi soo qaata  Camera-do si aan dadka ugu qanciyo in aynu isla inagii uun nahay oo ayna saxaafad ahayn, balse dhargarta u qooshay ayaa ahayd marka uu isku hubsado Muuqaalka inuu Hoosta uga qaybiyo Saxaafada deedna uu ku maxaafasitago in reerkiisu yahay Kulmiye. Balse ayaan daro taasi way ka fashlintay waxaanu waxanu miciin biday inuu soo uruursado meesha ka soo buuxsado dad aan reerkiisaba ahayn oo uu muuqaalka ku qurxiyo, kuna dhex qaso calooshood u shaqatayaasha midh iyo labada ah ee isaga hoos yaaaca.  Ka dibna uu Muuse Biixi la hoos cararo isaga oo been iyo quraafaad sooo tuubtay..

Taasi waxa ay ina tusaysaa daciifnimada iyo taagdarida Wasiir Caddaani, markii uu waayay Codkii iyo aqlabiyadii Beesha uu ka soo jeedo, inuu soo uruursado dad aan reerkaba ahayn, si uu ugu qadhaabsi tago. Balse waxaanu cod dheer iyo mid gaabanba ku sheegyanaa, waxa ninkaasi uu qooshayaa inaanay ahayn wax habayaraatee wax saxi ku jiraan .uuna ka been abuuranaato Magaca iyo Milgaba Muuse Carre.  Beesha Muuse Carrana ay tahay Mid kamida Tiirarka Xisbiga WADDANI.

 

W Q. Mustafe Shaybe

COMMENTS
Latest News