Haqabtirenews.com
“2016 Waxa uu ahaa Sanad guuleed Dhamaaday” WQ-Khaalid Bakayle.
January 1, 2017 - Written by admin
">

Alxamdulillah, Waxa ii dhamaaday aniga oo caafimaad qabba, Wax badanina ii hirgalineed sanadkan aynu saacadihiisii ugu dambeeyey ku Jirno ee 2016.

2016 waxa uu ahaa sanad aan lahaa qorshayaal tirro badan kuwaasi oo ku wajahnaa Nolosha Horumarkeeda oo aanay ka madhnayn ku dedaalka nolosha aan dhamaanayn ee aakhirro, Qorshayaashaasi badankoodu wey hirgaleen fadliga ALLAH SWT waa derejo ku mahadnaq mudan, Sanadkan gabaabsiga ahi waxa uu ahaa sanad aan fahmay qaabab badan oo loo marikarro dariiqada guusha, Waa sanad aan bartay cilmi iyo casharo hagi karra noloshayda Beri (Mustaqbalka dhow) aan idhaahdee cilmi diini iyo mid maadina barashadii waan wadday fadliga ALLAH SWT, Guulaha wax ku oolka dad badan oo aan ood-wadaag nahay u muuqdana waxa ka kow ah (1) aasaaska Warbaahinta HaqabtireNews 24-4-216 oo aan ku tilmaami karro maalin ay dhalatay warbaahin Shacab leeyihiin dhalatay sababtu tahay Magac bixinteeda iyo Horumarinteedaba kuma keliyeysane Ciidamo ALLE iyo bulsho Toolmoon oo na garab istaagtay ayaan helnay.

Waa macquul markaad akhrisato qoraalka in aad odhanayso Miyaanu sooba haddal qaadayn wax aan u hirgalin ! Haa dabcan wey jiraan se waa kuwo maanka iigu keydsan sixidoodana aan qorsheeyey Sanadkan Bishay ee 2017.

ALLAH SWT isaga ayaa awood badane waxa aan u mahacelinayaa wanaaga iyo horumarkaba uu ii sahlay.

Bulshada u saaxiibka ah dhiirigalinta iyo wanaaga walaaltinimo ee markasta i garab istaagi jiray ayaan u mahad celinayaa, aan soo qaato tuducan oo abwaan hadraawi tiriyey ” Diric kali ahaantii daleel guusha kama helo ee dadkaa geesi lagu yahay” Waad i karaamayseen, i sharafteen ina dhiirigaliseen walaalayaal sharaf ayaad igu mudan tihiin.

Ugu dambayntii waa sanad cusub Waxba lama sharsaddo ALLAH Swt waxa aan ka baryayaa in uu Khayrka ina waafajiyo, Anigana ii sahlo horumarka if iyo aakhiraba ee aan astaystay.

Idilkiin Hambalyo sanad wacan oo wanaagsan….. 2017

Khaalid Ahmed Mohomed (Bakayle)
Burco-Somaliland.
www.Haqabtirenews.com/ STAR TV.

COMMENTS
Latest News