Haqabtirenews.com
Musuqmaasuqa iyo saboolnimada maxaa ka dhaxeeya? Q:1-aad. WQ-Cabdirashiid Libaax.
December 24, 2016 - Written by admin

Inkastoo eray-bixintan musuqmaasuq ay tahay erayada aadka u faafay sebenkan reer-magaaloowga ee siyaasadda iyo sawaxanka saxaafaddu maanka bulshada maamulaan, misana waa eray dhab ahaan aad loo deday, xaqiiqadiisana aan si daahira loo fasirin. Waxa uu ku macno dhawyahay erayada tuugnimo, wax-is-dabamarin, dafid, laaluush xaq-duudsi iwm, waa uu se ka yar asturan yahay; oo tusaale ahaan halkii laga odhan lahaa hebel waa jawr-fale tuugnimada la jahra, waxa si dhibyar loo odhanayaa waa ” nin wada musuqmaasuq ah”.

Su’aasha kor ku xusan ee saboolnimada iyo musuqmaasuqa maxaa ka dhaxeeya, waxa dhici kara in ay dadka qaar si kale ula muuqato. Waxa se xaqiiqo ah in ay maangal iyo meel-mar tahay oo si fudud jawaabteeda loo micnayn karo, iyadoo la odhanayo ” musuqmaasuqa iyo iyo saboolnimada waxa ka dhexeeya xidhiidh toos ah, oo micnaheedu yahay— musuqmaasuq baahay saboolnimo badatay ayuu wataa”.

Xikmad Carabi ah ayaa tidhaahda ” tusaalaynta ayay tiraabtu ku caddaataa’e” haddii aan dhawr isbarbardhig ku samaynno dalal dhawr ah; waxa caddaanaysa sida ay xidhoodhka u leeyihiin musuqa iyo saboolnimadu.

Tusaalaha 1-aad: Labada dal ee Singabuur iyo Indoniisiya oo ku wada yaalla koonfur-bari Eeshiya, qiimeynta dawladaha ugu musuqa yar ee la tirakoobay caalami ahaan waxa ay kala galeen kaalmaha 5-aad(oo Singabuur ay gashay) iyo kaalinta 118-aad( oo Indoniisiya ay gashay). Taasi waxa au dhalisay in dakhliga sanawiga ah ee qofka ugu dhexdhexaadsan dalka singabuur uu noqdo $50,000 sannadkii, halka dakhli sannadeedka qofka ugu dhexdhexaadsan ee Indooniisayaanka ahi uu noqday $3500 sannadkii.

Tusaalaha 2-aad: Labada dawladood ee Kuuriyooyinka(Kuuriyada waqooyi iyo Kuuriyada koonfureed) waxa ay kala go’een sannadkii 1950-kii, xilligaas dhaqaale ahaan waa ay sinnaayeen— oo waxa la sheegaa in dakhliga sannawiga ah ee dabaqadda dhexe uu ahaa $875 qofkii. Sidaas ayaa ay tartanka dhaqaale uga midaysnaayeen ilaa laga gaadho 1991-dii. Wixii se intaas ka danbeeyay ayaa lagu kala tagay horumarka. Qiimayn la sameeyay sannadkii 2010-kii; dakhli sannadeedka dabaqadda dhexe ee kuuriyada Koonfureed waxa uu noqday $30’000 qofkii, halka Kuuriyada waqooyi uu weli yahay $1000 qofka dabaqadda dhexe ah sannadkii. Waa Lixdan sannadood oo aan wax weyni isbeddelin, sababta oo ah fikirka iyo siyaasadda ayaan lixdankaa sano isbeddelin oo kalitalisnimo iyo cagajuglayn uun ahayd.

Tusaalaha 3-aad. Labada waddan ee Nayjeeriya iyo Bootuswaana waa laba dal oo qaaradda Afrika kawada tirsan. Nayjeeriya waxa ay ku caan tahay Saliida iyo Bitroolka, oo ay noqotay dawladda 8-aad ee ugu badan ee soo saarta Bitroolka dunida, halka sidoo kale uu ku yaallo xarunta 10-aad eekayd bitrool ee ugu weyn caalamka. Balse labadan dal ayaa ku kala jira meel aad u kala fog marka la fiirsho liiska dawladaha ugu Musuqa yar caalamka— oo Butuswaana waa dalka 30-aad ee ugu musuqa yar dunida oo dhan, halka Nayjeeriya ay ku jirto kaalinta 139-aad ee isla liiskaas. Taasi waxa ay dhalisay in dakhliga sannawiga ah qofka dhexdhexaadka ah ee dalka Bootuswaana uu noqdo $16000 sannadkii, halka uu Nayjeeriya ka yahay $2600 sannadkii.

Tusaalaha 4-aad. Magaalada Nogales waa magaalo ka tirsan Gobolka Arisoona oo kala qaybisa xadka Maraykanka iyo Miksiko. Waxa ay leedahay gidaar labada xad kala calaamadiya; oo wixii waqooyi gidaarkaas ka xigaa waxa uu ka tirsan yahay dalka Maraykanka, halka wixii Koonfur ka xigaa uu ka tirsan yahay waddanka Miksiiko. Cilmi baadhis lagu sameeyay dhaqaalaha dadka magaaladan ku nool, waxa lagu ogaaday in qoyska dabaqadda dhexe ah ee ku nool dhinaca koonfureed( dhinaca Miksiiko) dakhligooda sanawiga ahi uu yahay $12000 sannadkii, halka isla qoyska magaaladan deggen ee dabaqadda dhexe ah ee kunool dhanka waqooyi(dhinaca Maykanka) uu dakhligaada sannawiga ahi u dhexeeyo $80’000–90’000 sannadkii— oo ka dhigan in uu afarjeer laab ka badan yahay midka dhanka kale ee magaalada ku nool.

Tusalaaha 5-aad. Dalka Simbaabwi waxa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay dawladaha ugu musuqa badan caalamka. Sooyaalka dalkaas wax mar dhacday in uu guddoomiyaha bankiga dawladdu ku dhawaaqay tartan nasiib ah oo lagu helayo $100’000, waxa se nasiib wanaag iyo nasiib darro kay ahaydba lagu dhawaaqay in uu nasiibkaas ku guulaystay madaxweyne Robert Mugabe. Waxa se ka sii yaab badnayd in uu si calan ah oo caalamka oo dhani daawanayo uu madaxweynuhu u guddoontay lacagtii. Ogoobeey waa dalka ay ku noolyihin 5Malyuun oo qof oo macaluul u dhimanayaa, isla jeerkana uu illaa maanta ka jiro cudurka Cholera oo dunida badankeedu beri hore ka ilbaxday.

Weli wax baa ii dhiman ………………

Jimce barkhadeed
Cabdirashiid Libaax

COMMENTS
Latest News