Haqabtirenews.com
Ma wada guulaysannaa. W/Q: Sakariye Awaare.
December 21, 2016 - Written by admin

Awooweyaaheen wakhtigoodii khalad weyn ayay ka sameeyeen bulshada iyo degaanka ba, waxa ay kala dhacayeen geelal waxa ay oogayeen dagaallo waxa ay kala sheeganayeen dhul daaqsimeedyada, maaddaama reer waliba leeyahay Sulddaan iyo maamul gaar u ah, waxaas oo dhan waxa ku kallifiyey muujinta awoodda qabiilkooda, manay jirin sabab kale oo ay u abuurayeen colaadahan taariikhiga ah ee ilaa imika lagu wada faano. Way ku jireen reer walba qofaf aad u tiro yar oo jecel in nabad iyo sinnaan dadku ku wada noolaado, xoolahuna ku wada daaqaan. Bal se waxa ka badnnaa inta kale ee aaminsan reer hebel muquuniya.

Sidaas iyadoo ah ayaa Aabbeyaasheen kacaameen isaga oo mid waliba laabta ku haya aanadii iyo godobtii qabiilka ay oodwadaagta yihiin kooda ka galay iyo uurxumo reeraysan. Noloshiina way is beddeshay oo baadiyihii magaalo ayaa beddeshay, Saldanaddiina Dawladnnimo ayaa beddeshay, dabeeto waxa khasab noqotay in ay wax wada yeeshaan, walow ay aqoon iyo cilmi barteen oo aanay sidii odayashii dhalay oo kale juhalo ahayn, haddana waxa ka degi weyday in hebel uu hebel oo ay kala qabiil yihiin maamulo ama ka amar qaato, waxa dhacday in ka Madaxweynaha ahi uu musuq, boob, sed bursiinyo, eex iyo caddaalad darro sameeyo, waxa ku kallifayaana ay tahay aargoosi uu la xidhiidha aanooyinkii hore qabaa’ilka ee uu weli laabta ku hayo. Manay jirin sabab kale oo ay u dhacayeen jabhadayntii iyo dagaalladii gobolladu. Kuwanna way ku jireen qofaf ka xun sida wax loo wado, bal se inta kale ee kala aargoosanaya ayaa ka badnnaa.

Innaga jiilkeennan dhallinyarada ahi, wakhtigan iyo noloshan ba innaga ayaa leh. Taariikhdaas madow ee Awooweyaasheen sameeyeen iyo tan ilaa hadda ay Aabbeyaasheen samaynayaanna waynu haynnaa. Ee ma halkaas ayaynu ka sii wadnnaa mise waynu beddelnnaa.? Dhab ahaan waynu bedeeli karnnaa, waayo dadyowgu dunidu ba marxaladdan oo kale way soo mareen oo qolo ba maalin ayay ka baxeen, bal se innagu waynu isku illownay. Sida ugu fudud uguna dhakhsaha badan ee hab nololeedkeennan dunida aan la haysan ee dib u socodka uun ku jira aynu u beddeli karnnaa. Aragti ahaan wa in si kasta oo maanta dawladdeenna iyo madaxdeennu ay u dhaqmaan sida ka soo hor jeedda loo dhaqmaa. Qof kasta oo dhallin yaro ah oo wax bartayna uu isi saaraa xil ummadeed oo aanuu noqon uun xaabo dabka lagu shido ee uu noqdaa qof u tafa xaydan ku jihaynta bulshada tubta saxan iyo tilmaamidda masuulka khalddan ee wax khalddaya.

Sakariye Saxardiid Axmed (Awaare)

Sakariye87@gmail.com

COMMENTS
Latest News