Haqabtirenews.com
Xulka Gobolka Xaysimo Oo Dhulka Jiiday Gobolka Sanaag, Maxamed Maxamud Jaamac Oo Saddexley Dhaliyay Iyo Rajadii Xulka Gobolka Sanaag Oo Halis Wayn Ku Jirta.
November 1, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kulamada wareega labaad ee sideed dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa galabta ka bilawday  garoonka Hargaysa Stadium waxaana kulan adag iskaga hor yimid xulalka gobolada Sanaag iyo Xaysimo oo ka wada tirsan Group A waxayna labada xul gobol kulankan ciyaarayeen iyaga oo soo guuldaraystay kulamadii wareegii hore.

Xulka gobolka Xaysimo ayaa guuldaro wayn kulankii furitaanka kala kulmay Saaxil halka xulka Sanaag ay iyagana guuldaro ka soo gaadhay Awdal, sidaa daraadeed Xaysimo iyo Sanaag ayaa raadinayay guushoodii ugu horaysay ee sideed dhamaadka tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.6

Sida la fahmi karo kulankan ayay rajada labada xul gobol ku xidhnayd haddii ay fursad u heli karaan in ay afar dhamaadka u soo bixi karaan, waxayna dagaal wayn ugu jireen sidii ay natiijo fiican ku heli lahaayeen. Xulka Gobolka Sanaag ayaa ciyaarta dardar ku bilawday waxayna xili horeba heleen goolka furitaanka iyada oo fursad koorne laga soo tuuray uu gool madax ah ugu dhaliyay  Ibrahim Messi, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Sanaag horaanka ciyaarta kula wareegtay.

1Laakiin wiilasha Xaysimo ayaan marnba ku niyadjabin goolka looga naxsaday waxayna awooda iskugu geeyeen sidii inta ayna qaybta hore dhamaan ay ku heli lahaayeen goolka barbaraha, waxayna hamigooda kaga dhabeeyeen iyaga oo daqiiqado kooban ay ka hadhsan tahay qaybta hore ee kulankan waxaana goolka ay Xaysimo ciyaarta dib ugu soo laabtay u saxiixay Maxamed Maxamud Jaamac oo kulankan wacdaro ka dhigay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah sidaa ayayna qaybtii hore ku dhamaatay.55

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta xulka gobolka Xaysimo ayaa ciyaarta ku soo galay dardar aan la rumaysan karin, waxayna isla markiiba heleen goolka laabad ee ay markooda hogaanka ciyaarta kula wareegeen, waxaana markale Sanaag goolka labaad ku ugaadhsaday Maxamed Maxamud Jaamac kaas oo markale muujiyay farsamadiisa ciyaareed wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 uu gobolka Xaysimo hogaanka ciyaarta markiisa kula wareegay.5Laakiin intii uu gobolka Sanaag la wareersanaa goolka hogaanka looga qabtay ayuu gobolka Xaysimo xamaasadiisa halkeeda ka sii waday waxayna heleen goolka saddexaad ee ay ciyaarta si buuxda dhinaca kale ugu dhigeen waxaana saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay dhamaystirtay xidiga garoonka ugu fiicnaa ee Maxamed Maxamud Jaamac kaas oo markale dhibaato badan ku abuuray Sanaag wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Xaysimo hogaanka ku sii dheeraysatay.4

Xulka gobolka Sanaag ayay yaab ku noqotay in goolkii ay ku hormareen saddex gool loogu sarifay laakiin wali waxay Xaysimo ayaa ahayd xulka laga filan karay goolka afraad iyaga oo fursado badan abuurayay. Xulka gobolka Sanaag ayaa badalo sameeyay si ay ciyaarta wax uga badalaan waxayna si gaabis ah u raadinayeen goolasha looga hormaray.

2

Ugu danbayn Sanaag ayaa heshay goolkooda labaad ee rajadooda soo nooleeyay waxaana goolkan u saxiixay Maxamed Fu’ad oo ciyaarta badal ku soo galay isla markaana Sanaag lambarka 14 aad u qaata, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:2 ay wali Xaysimo hogaanka ciyaarta ku hayso.

snaaag

Balse goolkan ayaa si wayn xamaasada ciyaarta wax uga badalay waxayna Sanaag aamintay in ay heli karaan goolka barbaraha waxayna abuureen fursado fiican iyada oo kabtanka xulka gobolka Sanaag ee Siikaawi uu si wayn xulka gobolkiisa ugu raadinayay goolka barbaraha inkasta oo uu kubbad halis ahayd oo laaga xorta ah uu ka qasaariyay.

Dhamaadkii ciyaarta Xaysimo ayaa birta garaacday isla markaana ugu dhawaaday in ay hesho goolka afraad basle ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:2 ay Xaysimo dhulka ku dhigtay gobolka Sanaag oo ay soo gaadhay guuldaradii labaad oo xidhiidh ah. Rajada xulka gobolka Sanaag ayaa ku xidhnaantoonta natiijada kulanka barri dhex mari doona gobolada Awdal iyo Saaxil.

COMMENTS
Latest News