Haqabtirenews.com
WARBIXIN:Tababare Jose Mourinho Oo David Moyes Iyo Louis Van Gaal Wax Kasta Kaga Rekoodh Xun, Iyada Oo Red Devils Xili Ciyaareedkii Afraad Oo Xidhiidh Ah Ku Dhibtoonaysa Premier Leaque-ga.
November 1, 2016 - Written by Sports Staff
">

Markii uu Jose Mourinho xagaagii soo gaadhay Old Traffrod waxaa loo arkayay ninkii soo celin lahaa sumcadii iyo karaamadii ay Manchester United ku lahayd horyaalka Ingiriiska ee Premier Leaque-ga iyo tartanka xiisaha badan ee Champions Leaque, wuxuuna waayihiisa tababaranimo ee Red Devils uu ku bilawday qaab fiican iyada oo markiiba Man United lagu daray kooxaha ugu horeeya ee loo saadaalinayay koobka horyaalka, laakiin si deg deg ah ayay wax kastaaba isku badaleen.

Jose Mourinho's Manchester United have picked up just 15 points so far this season

Sumcadii Jose Mourinho ayaa xili ciyaareedkii hore ay dhibaato wayni soo gaadhay isaga oo Stamford Bridge ku soo qaatay waayihiisii tababaranimo ee ugu xumaa, laakiin markale Mourinho ayaa Manchester United kula jira xaad qalafsan oo aad u adag. Mourinho ayaa dhawaan noloshiisa shaqsiga ah ee Manchester ku tilmaamay mid musiibo ah,laakiin shaqadiisa ayaaba markale musiibo sii dhex gashay.

Against Burnley on Saturday Mourinho's side could not find away past keeper Tom Heaton

Xogta laga ururiyay Manchester United afartii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ayaaa muujisanaysa in Jose Mourinho uu si kasta uga rekoodh xun yahay tababarayashii ka horeeyay ee  David Moyes iyo Louis van Gaal. Kadib markii ay Manchester Uited 10 kulan ka ciyaartay Premier Leaque-ga ayuu Mourinho awoodi waayay in Red Devils ay la heer noqonto kooxihii Man United ee ay hogaaminayeen David Moyes iyo Louis Van Gaal oo shaqada laga caydhiyay.

Moyes' first 10 United games produced 17 points, and as many goals, both more than this year

Xili ciyaareedkii 2013/14 ayuu David Moyes toban kulan ka helay 17 dhibcood iyada oo Man United afar kulan guulaystay, laba kulan barbaro gashay halka ay afar kulan guuldaraystay. Man United ayaa markaas dhalisay 17 gool, 13 gool ayaa laga dhaliyay waxayna lahayd 3 gool farqiga ah. Laakiin Mourinho ayaa 10 kulan ka helay 4 guulood, 3 guuldaro, iyo 3 babraro ah wuxuuna haystaa 15 dhibcood. Man United ayaa dhalisay 13 gool oo PL ah waxaana laga dhaliyay 12 gool waxayna haysataa 1 goo farqiga ah, waxaana halkan ka cad kala duwanaanshaha Mourinho iyo Moyes.

Louis van Gaal struggled in his first season, but after 10 games last year he had 20 points

Haddii aan soo qaadano labadii xili ciyaareed ee uu Louis Van maamulayay Man United waxa uu xili ciyaareedkii 2015/16 ay Man United 10 kulan ka heshay 6 guul, 2 guuldaro iyo laba barbaro ah waxayna waqtigan oo kale xili ciyaareedkii hore Man United lahayd 20 dhibcood iyada oo dhalisay 15 gool, waxanaa laga dhaliyay 8 gool iyada oo haysatay 7 gool oo farqiga goolasha ah.

United are as close to the relegation zone as they are to the top of the Premier League

Despite spending £89m on Paul Pogba, Mourinho has not yet overseen an improvement

XOGTA MAN ANITED EE AFARTII XILI CIYAAREED EE UGU DANBEEYAY EE 10 KULAN EE PL UGU HOREEYA:

DAVID MOYES: 2013-2014: Guul=4, Barbaro= 2, Guul Daro =4, Dhibco=17, Goolasha =17, G.Laga dhaliyay=13, Farqiga goolasha = +3

LOUIS VAN GAAL: 2014-2015:  Guul=3, Barbaro= 4, Guul Daro =3, Dhibco=13, Goolasha =16, G.Laga dhaliyay=14, Farqiga goolasha = +2

LOUIS VAN GAAL: 2015-2016Guul=6, Barbaro= 2, Guul Daro =2, Dhibco=20, Goolasha =15, G.Laga dhaliyay=8, Farqiga goolasha = +7

JOSE MOURINHO: 2016-2017: Guul=4, Barbaro= 3, Guul Daro =3, Dhibco=15, Goolasha =13, G.Laga dhaliyay=12, Farqiga goolasha = +1

Jose Mourinho endured a frustrating afternoon and was sent to the stands in the second-half

David Moyes ayaa ugu nasiib xumaa oo shaqada laga caydhiyay isaga oo aan xili ciyaareed dhamaysan halka Louis Van Gaal la siiyay laba xili ciyaareed oo uu lacag badan suuqa la galay basle waxa uu awoodi waayay in uu Man United dib ugu soo celiyo halkii ay ku lahayd England iyo Yurub, waxayna ilaa hadda u muuqataa in Mourinho uu wali isna ku taagan yahay tubtii raggii ka horeeyay.

.

Zlatan Ibrahimovic has not scored in five starts, which is part of Manchester United's woes

Manchester United ayaa wax gool ah ka soo dhalin saddexdii kulan ee Premier Leaque-ga ugu danbeeyay iyada oo waliba bilaa guul ah afartii kulan ee Premier leaque-ga ugu danbeeyay waxayna miiska kala saraynta kaga jirtaa boos dhibco ahaan udhexeeya kaalinta kowaad iyo kaalinta 18 aad.

COMMENTS
Latest News