Haqabtirenews.com
Taariikhda Iyo Waqtiga La Ciyaarayo Kulanka El Clasico Ee Barcelona & Real Madrid Oo Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay.
November 1, 2016 - Written by Sports Staff

iniesta-ronaldo-clasico-1477930474184

Kulanka El Clasico ee u dhaxeeya Barcelona iyo Real Madrid ayaa haatan la xaqiijiyay waqtiga iyo taariikhda la ciyaarayo: Sabtida, 3da bisha December Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 6:15pm, waxaana baahin doonta beIN Sports.

Si kastaba, ciyaartaas lagama baahin doono UK sababo la xiriira in Ingariiska ay dejisteen sharci ah inaan kulan telefishinka laga baahinin inta u dhaxeysa 6 ilaa 8pm Saacada Geeska Afrika maalinta Sabtida ah si loo kordhiyo taageerayaasha garoomada xaadira.

Madaxweynaha La Liga ayaa horaantii bishaan shaaciyay waqtiga ciyaarta la ciyaari doono, laakiin haatan LFP ayaa si rasmi ah u shaacisay.

Kulan kale oo El Clasico yar ah ayaa dhexmari doona isla maalintaas kooxo ka soo jeeda Madrid iyo Barcelona oo kala ah Atletico Madrid v Espanyol, waxaana ay ciyaartaas bilaaban doontaa 10:45pm Saacada Geeska Afrika.

Sevilla ayaa furi doonta kulamada wareega 14aad ee La Liga ee la ciyaari doono 3da bisha December iyadoo Granada wajahaya isla maalinta Sabtida Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 3pm, halka Deportivo La Coruna iyo Granada ay soo xiri doonaan kulamada isbuucaan iyagoo ciyaaraya habeenka Isniinta ee 5ta December.

Waqtiga la ciyaaraya kulamada 14aad ee La Liga:

Sabtida, 3da December (Saacada Geeska Afrika)

3pm Granada – Sevilla

6:15pm Barcelona – Real Madrid

8:30pm Leganés – Villarreal

10:45pm Atlético de Madrid – RCD Espanyol

Axad, 4ta December

2pm R. Betis – R. Celta

8:15 Athletic Club Bilbao – Eibar

8:30pm Sporting Gijón – At. Osasuna

8:30pm Alavés – Las Palmas

10:45pm Valencia – Málaga

Isniin, 5ta December

10:45pm Deportivo Coruña – Real Sociedad.

COMMENTS
Latest News