Haqabtirenews.com
Sawiro: Jose Mourinho & Xiddigaha Man United Oo Ka Qeybgalay Cashada Sannadlaha Ee Lacagta Loogu Uruuriyo UNICEF.
November 1, 2016 - Written by Sports Staff
">

banner-man-utd-gala-v2

Cashada sannadlaha ah ee Manchester United ee lacagta tabarucaada ah loogu uruuriyo hay’ada UNICEF ayaa waxaa soo buuxiyay xiddigaha kooxda iyo xaasaskooda.

Waa cashadii 17aad ee ay soo qaban qaabisay Manchester United iyadoo lacagta laga uruuriyay cashadii xalayto ay gaareysa 215 kun ginni, waana in ku dhow lacagtii rikoorka aheyd ee la uruuriyay sannadkii hore oo gaareysay 230 kun ginni.

Lacagta la uruuriyay xalayto waxa ay hay’ada qaramada midoobay ee xanaanada caruurta UNICEF ay u isticmaali doontaa shaqada ay ka heysto dalka Thialand.

Mourinho ayaa hogaaminayay ragii cashada soo xaadiray iyadoo qoyskiisa uu ka maqnaa, ka hor inta aysan imaanin xiddigaha kooxda oo si wacan u soo labistay islamarkaana ay la socdeen xaasaskooda iyo saaxiibadood.

Bastian Schweinsteiger oo lagu soo celiyay tababarka kooxda koowaad shalayto ayaa cashada la yimid Sam Johnstone iyo Luke Shaw, inkastoo wararka xanta ay sheegayaan in ku soo laabashadiisa tababarka inay ugu wacan tahay inuu ogolaaday in la iibiyo Janaayo.

Waxaana lagu sawiray tababarihii ka ceyiryay kooxda koowaad Jose Mourinho iyadoo labada ninba ay jawi qalafsan.

Halkaan hoose ka daawo sawirada cashadii xalayto:

Bastian Schweinsteiger, Sam Johnstone and Luke ShawZlatan Ibrahimovic

Wayne Rooney

Chris Smalling and partner Sam Cooke

Phil Jones and partner Kaya Hall

Anthony Martial and his partner Melanie Da CruzJuan Mata and Evelina Kamph

Juan Mata and Ander HerreraDaley Blind (R) and Candy-Rae Fleur

COMMENTS
Latest News