Haqabtirenews.com
Ingariiska Oo Ka Careysan Go’aankii Ay FIFA Kaga Diiday Inay Xirtaan Ubaxa Ay Ku Xusaan Askartoodii Dagaalka Kaga Dhimatay Kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka.
November 1, 2016 - Written by Sports Staff
">

poppy

FIFA ayaa ka horjoogsaneysa England iyo Scotland inay maaliyadooda ku sharaxaan ubaxa Poppy ee ay ku xusaan askartii Britian kaga dhimatay dagaalada kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka ee ay ciyaarayaan isbuuca danbe.

Xiriirka kubada cagta adduunka ayaa sheegay in caalamada ubaxa ay tahay mid siyaasadeed islamarkaana aan la ogoleyn in maaliyadaha lagu sharxo kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka iyadoo Briatian ay xuseyso askartii kaga dhimatay dagaalada tan iyo dagaalkii koowaad ee dunida.

Wargeyskada Ingariiska ayaana bilaabay maanta weerar ay ku qaadayaan madaxda xiriirka kubada cagta Ingariiska oo ay aaminsan yihiin inay ku hungoobeen inay FIFA kula dagaalamaan mamnuuciyada astaanta Poppy.

Markii ugu danbeysay ee ay xulka England ciyaaraan iyadoo lagu jiro xuska ay Britain u sameyso askartii kaga dhimatay dagaalada waxa ay aheyd kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Spain sannadii 2011, markaasna waa laga diiday inay maaliyadooda caalamada Poppy ku xardhaan waxaa bedelkeeda loo ogolaaday inay maro madow garbaha ku xirtaan bedelkeeda.

Laakiin haatan FIFA waa ay diiday gabi ahaanba in xuskaas lagu soo daro tartan kubadeed.

COMMENTS
Latest News