Haqabtirenews.com
Hordhaca Kulanka Xiisaha Badan Ee UCL Ee Manchester City vs Barcelona, Ree Catalonia Oo Markale Duulaan Ku Ah Macalinkoodii Hore Iyo Man City Oo Final Ciyaareysa Caawa.
November 1, 2016 - Written by Sports Staff
">

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhaweyn doontii ceebta soo baday ee Barcelona kuwaasoo tiro goolal ah iyo qaab ciyaareed sixir sidii caadada uga aheyd kooxdaanba ugu soo martay kulankii ka dhacay Camp Nou markaasoo uu Lionel Messi kasoo dhaliyay sadexleey halka Neymar uu ugu daray gool kale oo cajiib ahaa.

Kulanka: Manchester City Vs Barcelona

Garoonka: Etihad Stadium

Saacada Geeska Afrika: 10:45

Wararka Labada Koox:

Man CIty waxaa waajib ku ah iney sameeyaan waxaysan waligood sameyn hadii ay doonayaan iney xoojiyaan rajadooda kasii mid ahaanshahada tartankaan waana iney wax uun kala haraan kooxda Blugrana marka ay caawa kulmaan labada koox taasoo ah wax aanan hore u dhicin.

Pep iyo wiilashiisa ayaa ugu danbeyn ka baxay abaartii guul la’aanta aheyd ee ay ku jireen mudo bil ah waxayna si raaxo leh u garaaceen kooxda West Brom oo ay ku dhufteen 4 gool.

Man City aya rajeyneysa in kabtankeeda dhaawaca dishooday ee Kompany inuu caawa joojiya Messi ay xidigaha weerarka ah shaqo u qabtaan maadaama ay u baahan yihiin guul.

Manchester City waxaa ka maqan xidigaha dhaawacan ee Pablo Zabaleta, Bacary Sagna iyo Fabian Delph. Willy Caballero ayaa goosha ugu soo bilaaban doona maadaama uu ka maqan yahay Claudio Bravo s

Dhanka Barcelona iyaga waxay xili horeba hubaan booskooda wareega 16 ka waxayna doonayaa iney soo kala saaraan kooxaha oo ay xaqiijiyaan midii soo raaci laheyd, waxay kulankaan weyn doonaan adeega daafaceeda Gerard Pique iyo kabtankooda Andres Iniesta inkastoo ay heystaan ciyaartooy ay lacago badan kasoo bixiyeen xagaagii sida Umtitt oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigaya iyo Andres Gomes oo la filayo inuu badalo Iniesta, sidoo kale Jordi Alba, Aleix Vidal iyo Jeremy Mathieu ayaa dhamaan ka maqan Barca.

city-vs-barcelona

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Barcelona iyo Manchester City ayaa markii sadexaad oo xiriir ah mudo afar sano gudahood isku soo aadaya tartanka Champions League.

Barcelona ayaa dhamaan shantii kulan ee hore guuleystay waxaana laga dhaliyay kaliya labo gool.

Manchester City ayaa ceebtoodii ugu weyneys ee Champions Leaguekala kulantay Barcelona waana kulankii lugtii hore waxaana laga soo dhaliyay afar gool.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulanka:

Manchester City: Caballero; Fernandinho, Otamendi, Stones, Kolarov; Fernando, Gündoğan; De Bruyne, Silva, Sterling; Agüero.

Barcelona: Ter Stegen; Sergi Roberto, Mascherano, Umtiti, Digne; Rakitić, Busquets, Rafinha; Messi, Luis Suárez, Neymar.

COMMENTS
Latest News