Haqabtirenews.com
Falaaqeynta Groupka B Ee UCL: Napoli Oo U Safreysa Turkey Xili Benfica Ay Wajaheyso Dynamo.
November 1, 2016 - Written by Sports Staff

Beşiktaş ayaa caawa soo dhaweyneysa kooxda Napoli ee dalka talyaaniga oo ay kulankii hore ku soo garaaceen 3-2 markii ay ugu tageen Naples waxayna kooxda macalin Şenol Güneş rajeyneysaa iney sii joogteeyaan qaab ciyaareedkooda aysan wax guuldaro ah ku muteysan xili ciyaareedkaan tartamada oo dhan.

Waxaa shaki laga qabaa taam ahaanshaha Oğuzhan Özyakup (anqow), Necip Uysal (kubka) waxaana kulankaan hadii ay kaar qaataan seegi doona kulanka xiga Adriano, Caner Erkin.

Dhanka Napoli oo guuldaro kala soo laabatay Juventus waxay weyn doontaa kulankaa xidigaha kala ah Albiol (dhaawac suulka ah), Milik (dhaawac jilibka ah)

Kulanka: Besiktas Vs Napoli

Garoonka:Vodafone Arena

Saacada Geeska Afrika: 10:45

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Beşiktaş: Fabri; Beck, Marcelo, Tošić, Adriano; Hutchinson, Inler; Quaresma, Tolgay Arslan, Olcay Şahan; Aboubakar.

Napoli: Reina; Hysaj, Chiricheș, Koulibaly, Strinić; Zieliński, Jorginho, Hamšík; Callejón, Gabbiadini, Mertens.

ucl-group-b-bjk-610x400

Benfica vs Dynamo Kyiv

Benfica ayaa garoonkeeda Estadio De Luiz ku soo dhaweyneysa kooxda ree Ukraine ee Dynamo kulan ka tirsan group ka B oo ah mid aad u adag waxayna labada kooxba wali rajo ka qabaan iney u soo baxaan wareega xiga ee tartankaan.

Benfica waxay weyneysaa adeega xidigaha kala ah : Rafa (suulka), Jonas (cagta), Jardel (dhaawac aan la sheegin)

halka Dynamo ay weyn doonto adeega Garmash (jilibka), Yarmolenko (jilibka), Danilo Silva (jilibk), Fedorchuk (muruqa), Gladkiy (kooxda ayaa laga saaray) waxaana shaki jilibka ah laga qabaa Khacheridi (knee)

Kulanka: Benfica Vs Dynamo

Garoonka: Estádio da Luz

Saacada Geeska Afrika: 10:45

Shaxaha MAcquulka Ah Ee Labada Koox:

Benfica: Ederson; Semedo, Luisão, Lindelöf, Grimaldo; Fejsa, Pizzi, Salvio, Cervi; Guedes, Mitroglou.

Dynamo Kyiv: Rudko; Morozyuk, Khacheridi, Vida, Antunes; Rybalka; Tsygankov, Sydorchuk, Buyalskiy, González; Júnior Moraes.

COMMENTS
Latest News