Haqabtirenews.com
Wakiilka Yaya Toure Oo Mar Kale Weerar Culus Ku Qaaday Pep Guardiola Ka Dib Markii Uu Isku Dayay Inuu La Xiriiro Dhowr Jeer Oo La Jawaabi Waayay.
October 30, 2016 - Written by Sports Staff
">

bayern-muenchen-v-manchester-city-fc-friendly-match

Wakiilka Yaya Toure ayaa ku eedeeyay Pep Guardiola inuu diidan yahay isku daygiisa uu ku soo gabagabeynayo xurgufta keentay in xiddiga khadka dhexe laga saaro kooxda Manchester City.

Tababaraha City ayaa wacad ku maray inuusan soo xulan doonin Toure ilaa iyo wakiilkiisa Dimitri Seluk uu raaligelin ka bixiyo wareysi uu siiyay Sunday Mirror oo kaga hadlay sababtoo xiddiga reer Ivory Coast looga saaray kooxda Champions League ee City.

Seluk ayaa sheegay inuu isku dayay dhowr jeer inuu la xiriiro Guardiola balse aan wax jawaab ah la siinin.

Waxa uu aaminsan yahay in ninka reer Catalan uu haatam qorshe ka dhigtay inuu bahdilo ciyaaryahan ay aheyd in lagu xusuusto inuu yahay halyeeyga Man City.

Seluk ayaa sheegay inuu isku dayay inuu la kulmo Guardiola ka hor kulankii City ee Barcelona labo isbuuc ka hor, laakiin cid dheg jalaq u siisay ma aysan jirin.

Waxa uu sheegay inaysan aheyn markii ugu horeysay ee tababaraha City iyo agaasimaha kubada cagta Txiki Begriristain ay diideen in meel dhexe la isagu yimaado.

Seluk oo fadhigiisu uu yahay Barcelona ayaa yiri: “Markii Yaya laga saaray kooxda Champions League waxaan wacay Pep. Waxaan rabay inaan weydiiyay sababihiisa, laakiin dib iima uusan soo wicin.

“Waxaan sidoo kale isku dayay inaan waco Txiki laakiin isna dib iima uusan soo wicin. Sidaasi darteed ma qabo inay kooxda ugu eedeyn karto wareysi aan siiyay wargeys marka aysan iyagaba dooneynin inay ila hadlaan.

“Pep wuxuu ka hadlaa ixtiraam. Laakiin si laguu ixtiraamo waa in adigana lagaa arko.

“Ka hor kulankii ay City ku ciyaartay Camp Nou waxaana wacay Pep mar kale. Waxaan doonayay inaan weydiiyo haddii aan kulmi karno oo aan wada hadli karno inta uu joogo Barcelona.

“Waxaan sidoo kale wacay Txiki. Laakiin cidna iima aysan soo jawaabin. Waxaan diray fariin qoraaleed laakiin hadana mar kale jawaab ma aanan helin.

“Waxaan hayaa rikoorka taleefanada oo aan ku cadeyn karo arintaan.”

Seluk waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Uma aanan waceynin inaan raaligeliyo – lakiin midkoodna Pep ama Txiki ma aysan ogeyn taas.

“Waa maxay sababta aan raaligelin u bixinayo madaama aan waxba sameynin oo aan ka aheyn inaan runta sheegay?

“Fekerkeyga waxa uu ahaa inaan si raganimo leh u hadalno, inaan raadino sidii hore loogu dhaqaaqi lahaa una fiican Manchester City iyo Yaya.

“Aamusnaan ayaana jawaab la iiga dhigay. Sidaasi darteed waa ay cadahay in Pep uusan raadineynin raaligelin.

“Waxa uu doonayaa inuu Sheikh Mansour iyo taageerayaasha City uu ka horkeeno ciyaaryahan jecel kooxda.

“Pep go’aanadiisa waa kuwa kibir ah oo aysan dani ugu jirin Manchester City.”

Waxa uu sidoo kale yiri: “Waan ogahay dhibkiisa, Markii Pep uu Yaya ka ceyriyay Barcelona ayaan dhaleeceeyay.

“Tanina waa aargudashadiisa. Waa mid shaqsi ah ee ma ahan mid shaqo.”

COMMENTS
Latest News