Haqabtirenews.com
Real Madrid Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaadhay Kooxda Alaves, Cristiano Ronaldo Oo Saddexley Kaga Baxay Abaartii Gool La’aanta Ee Haysatay Xili Los Blancos Ay Hogaanka La Ligaha Sii Dheeraysatay.
October 30, 2016 - Written by Sports Staff

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Alaves oo gool kaga hormartay waxayna Los Blancos guushan ku soo gadhay 4:1 iyada oo Cristiano Ronaldo uu saddexley kulankan ka dhaliyay isaga oo waliba rekoodhe labaad oo lagu abaal mariyay iska lumiyay. Los Blancos ayaa sii dheeraysatay hogaanka La Ligaha.

SHIXIHII RASMIGA AHAA EE LABADA KOOXOOD:

Alaves (5-3-2): Pacheco; Kiko Femenia, Alexis, Feddal, Raul Garcia, Hernandez; Camarasa, Manu Garcia, Torres; Deyverson, Mendez.

KAYDKA: Santos, Ortola, Espinoza, Torquero, Vigaray, Krsticic, Katai.

Real Madrid (4-3-3): Navas; Danilo, Pepe, Varane, Marcelo; Kovacic, Kroos, Isco; Bale, Benzema, Ronaldo.

KAYDKA: Nacho, James, Casila, Coentrao, Lucas Vazquez, Asenio, Morata.

Kooxda martida loo ahaa ee Alves ayaa soo badhigtay qaab ciyaareed aad u fiican waxayna xaalada ku xumaysay Real Madrid. Kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Alves ayaa iska caabin cajiib ah kala hortimid kooxda La Ligaha hogaaminaysay ee Los Blancos oo danaysay in ay hogaanka La Ligaha sii xejisato.

DAQIIQADII 7 AAD GOOOOOOOL! Kooxda Alaves ayaa Real Madrid kaga naxsatay goolka furitaanka  waxaana goolkan u saxiixay  Deyverson Brum Silva kaas caawin ka helay  Theo Bernard François, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay si lama filaan ah Alves hogaanka ciyaarta ula wareegtay.

DAQIIQADII 16 AAD REKOODHE! Real Madrid ayaa kubbad laaga xorta ah soo tuuratay waxaana soo tuuray Gareth Bale laakiin kubbada ayaa gacan kaga dhacday xidiga kooxda Alaves ee Deyverson, wuxuuna garsooruhu tilmaamay gool ku labaad.

DAQIIQADII 17 AAD GOOOOOOOL! Cristiano Ronaldo ayaa kubbada qaatay wuxuuna helay fursadii ugu fiicnayd ee uu kaga bixi lahaa abaarta gool la’aanta ee uu kulamadii ugu danbeeyay ku soo jiray, wuxuuna xidiga ree Portugal si fiican u dhamaystiray fursada fiican ee ay kooxdiisu heshay, isaga oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 33 AAD GOOOOOOOOOOL!  Cristiano Ronaldo ayaa markale helay fursada uu kooxdiisa hogaanka ugu dhiibay isla markaana ay dhinaca kale ugu dhigeen natiijada ciyaarta ee goolka looga hormaray waxaana caawinta goolkan sameeyay Karim Benzema oo Ronaldo fursad u siiyay in uu goolkiisa labaad ee ciyaarta dhaliyo waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Madrid markeeda hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Kooxda Alaves ayaa samaysay dadaal badan oo ay ku raadisay goolka labaad waxayna dhibaato badan ku abuuraysay difaaca Madrid iyada oo weerar deg deg ah fursado ku abuuraysay laakiin qaybtii hor ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2:1 ay Real Madrid gacanta sare ku lahayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Alaves ayaa daqiiqadii 48 aad ku dhawatay in ay hesho goolka barbaraha balse waxay sii waday in ay raadiso goolka barbaraha halka Real Madrid ay dagaal ugu jirtay in ay hesho goolkeeda saddexaad ee kalsoonida.

DAQIIQADII 79 AAD REKOODHE! Real Madrid ayaa ciyaartii furnayd gool ku wayday laakiin waxaa markale ay fursad ku heshay rekoodhe labaad oo uu garsooruhu tilmaamay kadib markii Ronaldo uu cadaadis kala kulmay Krsticic oo ciyaata badal ku soo galay.

DAQIIQADII 79 AAD BADBAADIN: Cristiano Ronaldo ayaa kubabda qaatay laakiin xidiga ree Portugal ayaa awoodi waayay in uu saddexleyda uu doonayay dhamaystirto waxaana ka hor joogsaday goolhayaha Alaves ee Fernando Pacheco kaas oo kubbada iska joojiyay.

DAQIIQADII 84 AAD GOOOOOOL! Álvaro Borja Morata oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa markale muujiyay sida uu uga fiican yahay Karim Benzema wuxuuna kooxdiisa udhaliyay goolka saddexaad wuxuuna caawin ka helay Marcelo Vieira iyada oo ciyaartu noqotay 3:1 ay Madrid ku xaqiijisatay saddexda dhibcood.

DAQIIQADII 88 AAD Cristiano Ronaldo dos Santos ayaa helay goolkiisii saddexaad ee kulankan wuxuuna dib u saxay qaladkii rekoodhaha looga badbaadiyay balse markale Marcelo ayaa isku muujiyay goolkan isaga oo labada gool ee ugu danbeeyay caawintooda sameeyay, waxayna ciyaartu noqotay 4:1 ay Madrid ku xaaqayso kooxdii goolka kaga hormartay ee Alaves.

Follow Deportivo Alaves v Real Madrid, live and direct, online with AS English. Matchday 10 of LaLiga Santander, today Octover 29, 2016 at 16:15 CET from Mendizorroza.

Cristiano Ronaldo ayaa ka jawaabay eedayntii waynayd ee uu loo soo jeediyay kulamadii uu ku soo jiray abaarta gool la’aanta, wuxuuna ugu danbayn dib u helay gool dhalintii looga bartay. Waxayna ciyaartu ku dhamaatay 4:1 ay Real Madrid ku soo gaadhay guul soo laabasho ah, waxayna sii dheeraysatay hogaanka La Ligaha.

COMMENTS
Latest News