Haqabtirenews.com
Jose Mourinho Oo Wajihi Kara In Lagu Soo Rogo Ganaax Garoomada Looga Mamnuucayo Ka Dib Markii Ay Isku Dhaceen Garsoore Mark Clattenburg.
October 30, 2016 - Written by Sports Staff
">

manchester-uniteds-portuguese-manager-j

Jose Mourinho ayaa wajahaya in garoonka laga mamnuuco ka dib maalin kale oo musiibo ah oo soo martay tababaraha Manchester United.

Mourinho ayaa waxaa la saaray taribuunka ka dib markii waqtigii nasashada la dooday garsoore Mark Clattenburg, waxaana qeybtii labaad ee ciyaarta uu ka soo daawanayay kuraasta madaxda Man United iyadoo ciyaartoydiisa ay barbaro goolal la’aan ah la galeen Burnley.

Tababaraha United ayaa ka careysnaa sida uu wax u dhexdhexaadiyay Clattenburg qeybtii hore iyadoo garsooraha uu ku guuldareystay inuu kooxdiisa rigoore u dhigo ka dib markii John Flanagan uu qalad ku galay daafaca Talyaaniga Matteo Darmian.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaana haatan ganaax garoonka looga mamnuucayo ku soo rogi kara Mourinho kaasoo ay durbaba ku socoto dacwad la xiriirta hadal uu ka sheegay garsoore Anthony Taylor ka hor kulankii Liverpool ee dhawaan ka dhacay Anfield.

manchester-united-v-burnley-the-premier-league-football-old-trafford-manchester-uk-29-oct-201

Mourinho ayaana waji kara in mar kale garoonka oo idil laga mamnuuco ama ugu yaraan in kursiga keydka kulamo badan laga mamnuuco ka dib markii goob jooge uu xaqiijiyay in Mourinho uu muran dagaal ahaa la galay Clattenburg markii ay ku sii socdeen qolalka labiska.

Mourinho ayaa diiday inuu qabto shirkii jaraa’id ee ka danbeeyay ciyaarta, waxaana uu u diray caawiyihiisa Rui Faria kaasoo yiri: “Waxaa muhim ah waxa uu garsooraha ku qori doono warbixintiisa ciyaarta. Idiinma siin karo faahfaahin intaas ka badan.”

COMMENTS
Latest News