Haqabtirenews.com
Hordhac: Southampton v Chelsea – Blues Oo Raadineysa Guushii 4aad Oo Isku Xigta Ee Horyaalka Premier League.
October 30, 2016 - Written by Sports Staff

chelsea-v-southhampton

Kulanka: Southampton v Chelsea

Garoonka: St Marys’ Stadium

Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Mike Jones

Chelsea ayaa ah kooxda kaliya ee kulan horyaal ah ku garaacday Southampton garoonkeeda St Mary’s Stadium sannadkaan 2016.

Kooxda Southampton kaliya kama aysan fogaadinin guuldarro tan iyo guuldaradii Chelsea ka soo gaartay Febraayo laakiin waxa ay sidoo kale badiyeen shantii kulan ee ay gurigooda ku ciyaareen horyaalka iyo koobabka maxaliga ah iyadoo laga dhaliyay kaliya hal gool.

Kooxda Chelsea ee Conte ayaa u muuqatay kuwa garaaci karay koox walba axadii hore iyagoo ceebeystay Manchester United. Seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ayay badiyeen iyadoo aan wax gool ah laga dhalinin, waana qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa muddo labo xilli ciyaareed ah.

MAXAA KA CUSUB?

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Southampton Sofiane Boufal ayaa rajeynaya inuu ku soo bilowdo kulanka maanta ka dib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii EFL Cup ee Arbacadii oo aheyd kulankii ugu horeysay ee uu ku soo bilowday.

Jay Rodriguez ayaa waxaa soo wajahay madax wareer kulankii ay ka badiyeen Sunderland, waxaana shaki ku jiraa inuu ciyaari karo maanta si la mid ah daaficii hore ee Chelsea Ryan Bertrand.

Chelsea waxaa ka maqnaan doona xiddiga khadka dhexe Cesc Fabregas oo dhaawac ah laakiin daafaca Branislav Ivanovic ayaa diyaar ah mar kale.

Kurt Zouma ayaa ku dhawaanaya inuu ka soo laabto dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa ka dib markii uu u ciyaaray kooxaha Juunyeerka.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Southampton (4-3-3): Forster; Martina, Fonte, Van Dijk, Bertrand; Romeu, Ward-Prowse, Hojbjerg; Redmond, Austin, Tadic.

Chelsea (3-4-3): Courtois; Cahill, David Luiz, Azpilicueta; Alonso, Matic, Kante, Moses; Hazard, Costa, Pedro.

MA OGTAHAY?

  • Chelsea gool ka soo kabsatay islamarkaana 2-1 ku badisay kulankii xilli ciyaareedkii hore ee garoonkaan.
  • Waxa ay aheyd guushii hore horeysay ee afar kulan oo horyaalka oo ay la ciyaareen Southampton.

COMMENTS
Latest News