Haqabtirenews.com
Cristiano Ronaldo Oo Shabaqa Ka Soo Wada Taabtay Dhamaan 31dii Kooxood Ee Uu Ka Horyimid La Liga Iyo Liiska Kooxahaas.
October 30, 2016 - Written by Sports Staff

1477754794_770095_1477754976_noticia_normal

Waxa ay ka qaadatay todobo sannadood laakiin shalayto Cristiano Ronaldo waxa uu ugu yaraan hal gool ka dhaliyay dhamaan 31dii kooxood ee horyaalka La Liga uu wajahay intii uu joogay Real Madrid.

Si la mid ah goolkiisii ugu horeysay ee La Liga (v Deportivo bishii August 2009), waxa ay ka timid rigoore. Cristiano ayaa ku darsaday kooxda Alaves kooxaha dhibanayaasha u ah horyaalka Spain isagoo shalay galab ka dhaliyay seddexleey.

Kooxda Alaves ayaana noqotay kooxdii 31aad ee uu gool ka dhaliyo xiddiga Real Madrid.

Ciyaartoyda kale ee shabaqa ka soo wada taabtay dhamaan kooxigii ay ka horyimaadeen horyaalka La Liga waxaa ka mid ah Hugo Sanchez oo shabaqa ka soo taabtay 33 kooxood oo uu ka horyimid, Luis Aragones oo sida Cristiano Ronaldo shabaqa ka soo taabtay 31 kooxood uu wajahay. Waxaa rikoorka haya Raul oo shabaqa ka soo wada taabtay dhamaan 34tii kooxood ee uu La Liga la ciyaaray.

Xiddiga Barcelona ee Leo Messi ayaase ku dhow inuu jabiyo rikoorka Raul. Las Palmas ayaa ah kooxda kaliya ee uusan Messi weli shabaqa soo taabanin, haddii uu xilli ciyaareedkan gool ka dhaliyo Las Palmas, Messi ayay u noqon doontaa inuu gool ka wada dhaliyay dhamaan 35tii kooxood ee uu ka horyimid.

Dhamaan 31ka kooxood ee La Liga ee uu Cristiano Ronaldo goolasha ka dhaliyay:

Sevilla, Getafe, Atlético de Madrid, Barcelona, Athletic Club, Málaga , Celta, Levante, Espanyol, Villarreal, Granada, Rayo Vallecano, Osasuna, Real Sociedad, Deportivo de la Coruña, Valencia, Elche, Zaragoza, Almería, Mallorca, Racing de Santander, Xerez, Eibar, Valladolid, Betis, Hércules, Sporting Gijón, Córdoba, Las Palmas, Tenerife, Alavés.

COMMENTS
Latest News