Haqabtirenews.com
War Deg Deg Ah:Xulka Gobolka Saaxil Oo Shaarubaha Dhulka Ugu Xidhay Dhigeeda Xulka Gobolka Xaysimo Iyo Afar Gool OoLagu Xaaqay Xaysimo.
October 27, 2016 - Written by Sports Staff

War Deg Deg Ah:Xulka Gobolka Saaxil Oo Shaarubaha Dhulka Ugu Xidhay Dhigeeda Xulka Gobolka Xaysimo Iyo Afar Gool OoLagu Xaaqay Xaysimo.

Hargeysa (SLL)-Ciyaar xiiso leh oo galabta garoonka kubad cagta ee magaalada Hargeysa ku dhex martay xulalka gobolada Saaxil iyo Xaysimo,taas oo ahayd ciyayaar xiiso badan ayaa xulka gobolka saaxil uu afar gool iyo wax-ba kaga adkaaday xulka gobolka Xaysimo.
Xulka gobolka saaxil ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed qurux badan,taas oo soo jiidatay indhaha daawadayaasha,waxaana xusid mudan in hal ciyaartow oo ka tirsan kooxda kubada cagta ee Saaxil kaadhka cas uu qaatay.
Dhanka kalena wefti ka tirsan xukuumadda somaliland oo uu horkacayo Madaxweyne Siilaanyo ayaa galabta daawanayey ciyaar-taas, iyagoo xaadir ku ahaa garoonka
Isku soo waddo duuboo ciyaartii galabta dhex maraysay xulalka gobolka Saaxil iyo gobolka Xaysimo, ayaa waxay afar gool guushu ku  raacday xulka Saaxil, halka xulka Xaysimo uu guul darro kala caraabay garoonka

COMMENTS
Latest News